Fahfaahin: Qarax Gaari oo ka dhacay magaalada Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax xooggan ayaa galabta ka dhacay Wadada Makka Al Mukarama, ee Muqdishu, kaasi oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada. 

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa uu ku qarxay afaafka Makhaayad ku taalla meel ku dhaw Hotel-ka Wehliye. 

Wararka qaar waxay sheegaan in Gaari yaallay wadada dhinaceeda, uu ka dhashay qaraxa. Gaadiidka Ambalaaska ayaa goobta gaarey, iyadoo dhaawacyada u qaadey dhanka Isbitaallada.

Saraakiisha Booliska dowladda Federaalka Somalia, ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay qaraxa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen sagaal kale, oo dhamaantood shacab ah.

Qaraxa kadib, Ciidamada amaanka ayaa xiray wadada Makka Al Mukarama, oo ah mida ugu mashquulka badan Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM