Fahfaahin: Qarax Gaari oo ka dhacay magaalada Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax xooggan ayaa galabta ka dhacay Wadada Makka Al Mukarama, ee Muqdishu, kaasi oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada. 

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa uu ku qarxay afaafka Makhaayad ku taalla meel ku dhaw Hotel-ka Wehliye. 

Wararka qaar waxay sheegaan in Gaari yaallay wadada dhinaceeda, uu ka dhashay qaraxa. Gaadiidka Ambalaaska ayaa goobta gaarey, iyadoo dhaawacyada u qaadey dhanka Isbitaallada.

Saraakiisha Booliska dowladda Federaalka Somalia, ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay qaraxa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen sagaal kale, oo dhamaantood shacab ah.

Qaraxa kadib, Ciidamada amaanka ayaa xiray wadada Makka Al Mukarama, oo ah mida ugu mashquulka badan Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM