Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa goordhaw laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo warara kala duwan ay kasoo baxayaan nooca uu ahaa iyo halka lala eegtay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino lagu aasay meel ku dhaw xarunta Jaalle Siyaad, oo saldhig Military u ah Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Militeriga.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay Kolonyo ay wateen Ciidamo ajnabi ah, oo loo maleynayo inay yihiin kuwa u dhashay dalka Talyaaniga oo Xerada Tababar ku siiya Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa, oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid magaalada, oo mudooyinkii dambe martigelinaysay qaraxyo iyo dilal joogto ah.

Fahfaahin dheeraad ah kala soco wararkeena dambe Haddii Alle idmo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM