Qaraxyada AlShabaab oo soo afjaray deganaanshiyo ka jirtay Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Laba qarax oo ka dhashay gaari kuwaasoo Sabtidii ka kala dhacay labada xaafadood oo ku yaala Muqdisho ayaa carqaladeeyay deganaanshiyo ay muddo todobaadyo ku jirtay caasimada Soomaaliya.

Iyadda oo qaybo kamida dalka ay ka dhacayeen weeraro ka dhan ah ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM illaa iyo Sabtidii, 15-ka June, waxay Muqdisho ahayd mid aysan ka dhicin falal qaraxyo ah.

Weerarada oo ku bilowday qarax gaari oo xoogan kaasi oo lagu beegsaday kontarool ku dhow dhismaha baarlamaanka xili ay Xildhibaanada kasoo baxayey markii ay dhameysteen fadhigooda ayaa burbur dhismeyaal sababey.

Aamina Xuseen, goobjooge, ayaa sheegtay in ay aragtay dhimashada Sideed ruux iyo dhaawaca tobanaan kale. "Dadkii ugu horeeyay ee meesha tagay ayaan ku jiray, waxay ahayd jawi cabsi ah," ayey u sheegtay Garowe Online.

"Kahor inta uusan qarxin gaariga, darawalka wuxuu isku dayey in uu xoog ku dhaafo kontaroolka. Balse ciidamada ayaa rasaas ooda uga qaadey," ayuu yiri Kabtan Xuseen Axmed, sarkaal Boolis.

Daqiiqado kadib, gaari ayaa ku qarxay kontarool ku yaala isgoyska KM4 gaar ahaan wadada aada garoonka diyaaradaha balse ma uusan geysan wax khasaaro, sidda uu sheegay taliska Booliska.

Sakiya Xuseen, afhayeenka bileyska ahna ku xigeenka taliyaha ciidamada, ayaa xaqiijisay in xoogaga dowlada ay qabteen ruux ka degay gaariga oo ay su'aalo waydiinayaan kaasi oo haatan xabsi ku jira.

Shirkada Gaadiidka Gurmadka degdega ee Aamin ayaa tilmaamtay in ay daabushay meydadka Sideed ruux iyo dhaawaca 16 kale kuwaasi oo ku waxyeeloobay weerarkii nawaaxiga dhismaha baarlamaanka.

Goobta uu qaraxaan ka dhacay oo sidaan oo kale tiro jeer loo beegsaday ayaa waxaa ku yaala mid kamid ah baraha kontarool ee laga ilaaliyo Madaxtooyadda, oo xafiiska madaxweynaha uu ku yaalo.

Kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida, Al-Shabaab oo halgan ugu jirta sidii ay u ridi lahayd dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegatay mas'uuliyada dhacdadaan, iyaga oo xustay in ay beegsatay baro kontarool.

Ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya AMISOM ayaa Al-Shabaab ka saarey Muqdisho balse kooxda waxay wali sii wadaa howlgalda ay caasimada ka geysaneyso iyaga beegsaneysa xarumaha dowlada, huteelada, makhaayadaha iyo goobaha bulshada ku kulanto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM