Qaraxyo ka dhacay Muqdisho [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo qarax oo loo adeegsadey baabuur lagu xiray waxyaabo qarxa ayaa ka dhacey labo goobood oo ku yaalla Isgoyska mashquulka ah ee Dabka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa koowaad ayaa laga soo wariyey meel ku dhow Taalada Olow Tower oo ku dhow Isgoyska Dabka, halka midka labaad uu ka dhacey Dhabarka dambe ee Hotel Makka Al-mukarama.

Uuro madow, oo ka dhashay qaraxyadda ayaa hareeyay guud ahaan meesha ay wax ka dhaceen, halkaasi oo durbadiiba ay soo gaareen laamaha amaanka ee Soomaaliya.

Qaraxyadda oo Jugtooda si wayn looga maqley caasimada waxaa xigtey Rasaas culus, taasoo aanan la ogayn cida ridaysay.

Mid kamid ah qaraxyada, waxaa la sheegay inuu ahaa mid lagu soo xiray gaari uu leeyahay Professor Yaxye Sheekh Caamir oo so aad ah u dhaliila siyaasadda dowladda Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in Professor Yaxye oo kasoo jeeda beesha Madaxweynihii hore Xasan uu ka badbaaday qaraxa balse uu ku geeriyoodey walaalkiisa Cumar Sheekh Caamir.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli amaanka Muqdisho su'aallo la iska waydiinayo, kadib markii silsilado dilal qorsheysan ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen, oo ugu dambeeyay mid lagu khaariyay Gabar Ardayad ah shalay subax.

Todobaad kahor, qarax gaarigiisa loogu xiray ayaa laguu dhaawacay Xildhibaan Maxamed Mursal Barrow, oo kamid ah Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Fahfaahin dheeraad ah, kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM