Qaraxyo culus oo ruxay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO- Saddex qarax oo uu cuslaa dhawaqooda, kuwaasi oo isku xigay ayaa laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ee magaalo madaxda dalka Soomaaliya, galabnimada maanta oo Jimco ah.

Labo qarax ayaa ka dhacay meel ku dhow xarunta Dambi baarista Soomaaliya ee Muqdisho, oo ku taala Isgoyska KM4, xili lasoo wariyay inuu fuliyay Gaari nooca raaxada oo lagu soo rakibay waxyaabo qarxa.

Sida laga soo xigtay Goobjoogayaal, Qaraxa labaad ayaa ka dhacay wadada aada dhinaca garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, xili kaasi uu isna fuliyay baabuur laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa.

Uuro fara badan ayaa hawada qabsaday wax yar kadib Qaraxyada ay dhaceen, kuwaasi oo jugtooda laga wada maqlay xaafadaha ku teedsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Lama ogga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qaraxyadda, xili goobta ay soo gaareen Gaadiidka gurmadka deg deg ah, kuwaasi oo daabulaya Meydadka iyo dhaawacyadda ka dhashay weeraradaan.

Fahfaahin dheeri ah kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM