Qaraxyo loo maleegay gudoomiyaha maxkamada ciidanka oo la fashiliyey

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaraxyo culus ayaa laga soo saarey wadada isku xirta magaalooyinka Beledxaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo, sidda ay sheegeen saraakiil ammaan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sidda laga soo xitay illo wareedyo muhiim ah, qaraxyadda oo nooca culus ah ayaa lasoo saarey Talaadadii, 15-ka September, 2020-ka.

Saraakiisha amniga ayaa rumeysan in bartilmaameedka qaraxyaddaan uu ahaa wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Gaashaanle Sarre Xasan Cali Nuur [Shuute].

Mr Shuute ayaa gobolka u jooga maxkamadeynta eedeysaneyaal lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

"Ciidamadda u tababaran in ay soo saaraan miinooyinka ayaa ku guuleystay in ay si nabad ah ku fashiliyeen dhagartaan ay maleegtay argagixisada. Xogta goobta ay ku aaseen Miinada waxaan ka helnay ciidamadeena aan la aqoonsan [dhar cadka]," ayuu yiri sarkaal u waramay Garowe Online.

Al-Shabaab ayaa joogitaan culus ku leh degaanada dhaca gobolka Gedo, halkaasoo ay ku beegsato ciidamada shisheeye iyo kuwa Soomaaliya, iyaddoo adeegsaneysa xeelado isugu qarax iyo weerar toos ah.

Bishii September, 25-keeda sanadkii 2019-kii, Shuute ayaa ka badbaadey qarax miino oo kolanyo uu la socday lagula eegtay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Shuute ayaa waqtigaas kasoo laabtay xerada Ceel Saliini ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo uu habeenkii ku hoyday. Booqashadaas waxay timid maalmo kadib markii Al-Shabaab ay weerartay saldhigaas ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM