Qaraxyo mataano ah oo dad badan ku laayey HirShabelle

Image

JOWHAR, HirShabelle – Inta la xaqiijiyey tobban ruux oo isugu jira askar iyo shacab ay ku jiraan caruur ayaa ku dhimatay laba qarax oo Axada maanta ah ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidda ay wararku sheegayaan, qaraxyada ayaa ka dhacay bar kontarool oo ciidamadda amniga ku leeyihiin waddo ka timaada degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose isla markaana gasha Balcad.

Caruurta oo ahaa laba ayaa ku naf-waayey qaraxa koowaad, sidda ay Garowe Online u sheegeen illo amni iyo goobjoogeyaal dhowr ah.

"Sideed kale oo isugu jira shacab iyo askar waxay ku naf-waayeen qaraxa labaad," ayuu yiri wariye madaxa-banaan oo Balcad ku sugan lana hadlay warsidaha GO. "Dhaawacyadda waxaa la sheegay in ay badan yihiin".

Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in dhaawacyadda uu ku jiro taliye. Balse maamulka degmadda iyo kan gobolka oo xiriiro uu la sameeyay Garowe Online si uu wax uga waydiiyo weerarkan ayaanan suurtagelin.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa aalaaba dusha saarta weerarada noocaan ah ee ka dhacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Qaraxyaddan oo ahaa miino nooca meelaha fog-fog laga hago ayaa imaanaya laba maalmood kadib markii Mareykanka uu Al-Shabaab duqeyn kaga burburiyey todoba dhisme kuna dilay saddex dagaalameyaal ah.

Duqeymahaas oo ahaa laba ayaa ka dhacay degaanka Saakow ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dhismeyaasha la burburiyey waxaa kamid ah xarunta Idaacadda Al Furqaan oo ku hadasha afka maleyshiyada hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM