Qareen loo dacweeyay "xatooyada" hanti Soomaaliyeed

Image

WASHINGTON, USA - Qareen kasoo jeeda degmadda Bethesda, gobolka Maryland ee Mareykanka ayaa loo dacweeyay in uu ka qeybqaatay shirqool la rabay in hanti dhan 12 milyan Doolar lagu dhaco magaca dowladda Soomaaliya.

Jeremy Schulman, oo 45-jir ah iyo shaqsiyaad kale, ayaa mudadii u dhaxeysay 2009 iyo 2014 waxay isku dayeen in ay ku qaataan hantida iyo lacagtaas, sidda lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska xeer-ilaalinta degmaddaas.

Paul Butler, oo ah qareenka Schulman, ayaa Khamiistii wuxuu sheegay in kalyeentigiisa uu dowladdii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya kala shaqeynayey soo celinta hanti tobban sano kahor qaranka loogala wareegay dibadda.

"Si gaar ah, Mr. Schulman waxaa la soo xiriiray Guddoomiyihii ugu dambeeyay ee Bangiga Dhexe ee dowladda, kaasoo soo bandhigay diiwaanno muujinaya dukumiintiyada la qaaday si loo ilaaliyo hantida Soomaaliya inay ku dhacdo gacanta kooxaha dagaallamaya," ayuu soo qoray Butler.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "In ka badan afar sano, Mudane Schulman iyo kooxdiisu waxay u shaqeeyeen si hagar la'aan ah si ay u caawiyaan ummad si ba'an ugu baahan ilaha dhaqaalaha si loo xaqiijiyo ka soo kabashada dowladda ku dhowaad labaatan sano dagaal sokeeye ku jirtay."

Dacwad-oogeyaasha ayaa sheegay in Schulman iyo kooxdiisa ay sameeyeen dukumiintiyo been abuur ah kuwaasoo ay si qaldan ugu jileen awooda dowladda Soomaaliya iyagoo u gudbiyey bangiyadda iyo hay'addaha dhaqaalaha dunida.

Sidda ku cad dacwada, Schulman, oo aad loogu yaqaano abaabulka shirqoolada saamina ku leh shirkad sharci, ayaa qaatay 12.5 milyan oo lacag la xayiray ah.

Shirkada Schulman ayaa heshay $3.3 milyan halka inta ka hartayna ay u dirtay dowladda Soomaaliya, sidda lagu sheegay warsaxaafadeedka qareenka.

Schulman ayaa sidoo kale la sheegay inuu boqolaal kun oo doolar ka helay shirkadaas waxaana lagu eedeeyay inuu lacago si sharci daro ah uga qaatay shirkadaas isla markaana uu u gacan galiyay shaqsiyaadka ku wehliyey dabinka.

Butler ayaa ku doodaya in gal-dacwadeedka uusan muran-gelin in ka badan 9 milyan Doolar ay ku laabatay Bangiga Dhexe ee Dowladda Soomaaliya.

"Sidoo kale dowlada kuma murmayso in Mudane Schulman uu si isdaba joog ah u xaqiijiyey awoodiisa ah inuu sameeyo dib u soo kabashada hantida masuuliyiinta ugu sareysa dowlada Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin madaxweynihii ku meel gaarka ahaa Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, iyo sidoo kale Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan, iyo kuwo kale," ayuu hadalkiisa ku daray Butler.

Butler ayaa tibaaxay in sidoo kale uusan jirin wax muran ah oo ku saabsan in lacagahaas lagu wareejiyay siyaasadda Waaxda Arrimaha Dibadda; khidmadaha ay soo uruurisay shirkadda Schulman ayuu qeexay in "qandaraas ahaan loo bixiyay iyadoo la raacayo warqado fara badan oo ay soo saareen mas'uuliyiinta sare ee Soomaaliya."

"Taa baddalkeeda, dowladdu waxay ku doodeysaa in Mudane Schulman uu si qaldan ugu tiirsanaaday dukumiintiyada luuqada Soomaaliga ee sida qaldan loo tarjumay ama dukumiintiyada luuqada Soomaaliga laftooda," ayuu xusay.

Schulman waxaa lagu soo oogay seddex dacwadood oo wax-is-dabamarin abaabulan ah, afar dacwadood oo ah lacag-dhaqid, iyo hal dacwad kale oo ah musuqmaasuq la xiriira Bangiyadda iyo fariin-danabeed.

Hadii dambiga lagu helo, sidda ku xusan war-saxaafadeedka Xafiiska Xeer-ilaalinta, Schulman wuxuu muteysan karaa 40 sano oo xarig ah. Schulman ayaa waxaa loo qorsheeyay inuu ka soo muuqdo maxkamada degmada ee Greenbelt bishaan December 7-deeda.

Butler wuxuu qoray in Waaxda Caddaaladdu ay tahay "mid si khaldan wax loogu sheegay" isla markaana "ay ku liidato mas'uuliyadeeda ah inay si qoto dheer u baarto una ogaato dhammaan caddeymaha dulsaarka leh"

"Waxaan ku kalsoonahay in markii loo ogolaado fursad aan ku sheego sheekadiisa, Mr. Schulman waxaa gebi ahaanba la caddeyn doonaa in uusan sameyn fal dambiyeed kasta, iskaba daa khayaanada," ayuu kusoo xiray warka qoraalka.

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib u cusboonaysiiyay cafiska xubnaha Al-Shabaab

Wuxuu shacabka u xaqiijiyay in dowladda ay qaadayso tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo hubiyo ammaanka iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    08-03-2025

  • 01:03PM

Ciidamada Cirka Itoobiya oo Duqeymo ka Fuliyeey Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya

Ka-qaybgalka Itoobiya ayaa yimid kadib isbeddel ku yimid xiriirka labada dal, kadib khilaafyo bilihii la soo dhaafay.

  • Soomaliya

    08-03-2025

  • 08:31AM