Qatar oo fahfaahisay fariin ay gaarsiisay Farmaajo iyo Uhuru

Image

DOOXA, Qatar - Dowladda Qadar ayaa markii ugu horeysay waxay si rasmi ah u fahfaahisay dhambaal ay todobaadkii hore gaarsiisay madaxweynaha waqtiga ka dhacay ee Soomaaliya Farmaajo.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Carbeed ayaa sharaxay fariintaas oo Farmaajo uu ka gudduubay ergayga gaarka ah ee Qadar, Dr Mutlaq Al Qaxdhaani.

Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani oo u waramay telefishinka fadhigiisu yahay Dooxa ee Al Jazeera ayaa daaha ka rogay in ay Farmaajo ku booriyeen in uu xal waara u helo xasarada coddeynta.

"Fariinta amiirka ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay diiradda saareysa qaboojinta xasarada gudaha Soomaaliya, heshiis laga gaaro doorashooyinka soo aadan, dhiiragelinta soo celinta xiriirada iyo hoos-u-dhiga xiisada kala dhaxeysa saamileyda siyaasada Soomaaliya iyo Kenya," ayuu Al Thani kaga jawaabay su'aal la waydiiyey.

Al Qaxdhaani ayaa todobaadkii hore wuxuu socdaal kasoo bilowday xarunta Somaliland ee Hargeysa, muddo laba casha ahna joogay Muqdisho lana kulmay diblumaasiyiinta iyo mucaaradka.

Diblumaasiga ayaa kadib u sii gudbay Kenya halkaasoo uu kula shiray madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kaasoo uu u gudbiyey dhambaal uu uga siday amiirka Qadar, sida saxaafadu qortey.

"Dhambaalka ku socday madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, waxaa gudbiyey ergayga sare Al-Qaxdhaani 6-dii May, waxaana lagu taageeray dedaalada ka socda Soomaaliya iyo soo celinta xiriirka dalalka deriska ah," ayuu Al Thani raaciyey.

Waxyar kadib kulanka Al-Qaxdhaani iyo Kenyatta, dowlada Soomaaliya ayaa Khamiista todobaadkii hore waxay iclaamisay soo celinta xiriirka diblumaasi ee Kenya kadib dhexhdexaadinta dalka Qadar.

Qadar ayaa afartii sano ee Farmaajo madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya waxay saameyn weyn ku lahayd go'aanada Villa Soomaaliya iyaddoo isku-xiraha uu ahaa Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha NISA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM