Qatar oo laga dalbadey shaacinta mowqifkeeda askarta maqan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Qadar waa in ay caddeyneysaa mowqifkeeda askarta Soomaaliyeed ee ku maqan Eritrea haddii kale waxay qeyb ku yeelaneysaa mas'uuliyada, sida uu sheegay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa "khiyaano qaran" wuxuu ku tilmaamay xogaha sheegaya in dhalinayrada lagu duufsadey in loo qaadayo Qatar.

"Waxay ahayd khiyaano qaran in la duufsado dhalinyarada Soomaaliyeed iyadoo loo sheegay in loo qaadi doono dalka Qadar kana shaqeynayaan ilaalinta Koobka Adduunka. Dowladda Qatar waa inay caddeysaa mowqifkeeda, haddii kale waxay qaadan doontaa qeyb ka mid ah mas'uuliyadda dhallinyarada maqan," ayuu ku qoray ciwaankiisa mareegga Twitter-ka.

Dhawaqan ayuu ka dhawaajiyey Warsame isaga oo ka falcelinaya warbixin uu bogga Garowe Online daabacay taas oo soo bandhigtey mas'uuliyiinta sida weyn ugu lugta leh kiiskan sida qarsoodiga loo maamulay.

Garowe Online ayaa tafaasiishaas wuxuu soo bandhigay markii uu helay dukumiintiyo qarsoodiga ah kuwaasoo ay ku cadahay dhamaan macluumaadka kiiskaas iyo magacyada xubnaha maamulayey mashruuca.

Dukumiintiyo mukhaabaraad si gooniya warsidaha Garowe Online uga halay illo loo qaateen ah ayaa soo bandhigay macluumaadyo dheeraad ah oo ku saabsan askarta Soomaalida ah ee ku maqan Eritrea.

Xogaha ku jira dukumiintiyada ayaa waxaa kamid ah in afar mas'uul oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ee waqtiga ka dhamaadey ay si gooniya uga dambeeyaan kiiskan qarsoodiga ahaa.

Saddex kamid ah shaqsiyaadkaas ayaa si weyn loo garanayaa waana Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, agaasimaha hay'adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, iyo ku xigeenkiisa, Cabdullaahi Kulane.

Balse, shaqsiga aan waxba laga garaneyn balse uu GO daaha ka rogayo waa Cabdirisaaq Maxamed Xaaji Maxamuud. Dukumiintiyada waxay muujinayaa in uu door weyn ku leeyahay kiiskan.

Cabdirisaaq oomuddo dheer ku noolaa xiriir weyna la leh mukhaabaraadka Eritrea isla markaana ay u dhaxdo haweenay u dhalatay waddankaas ayaa la rumeysan yahay in uu sidoo kale ku tababartay dalkaas.

Isku dayo uu warisdaha Garowe Online ku doonayay in uu jawaabo kaga helo Cabdirisaaq ayaan guuleysan. Sidoo kale, fariin qoraalo si gaar ah loogu diray telefoonkiisa gacanta kama uusan ka jawaabin.

Macluumaadka dhanka sirdoonka ayaa intaas ku daraya in Cabdirisaaq uu si wanaagsan uga hadli karo lahjada Tigray-ga isla markaana uu kaalin ku lahaa in askarta Soomaalida laga dagaalgeliyo Tigray-ga.

"Wuxuu yahay askari ay soo carbisay Eritrea halkaasoo uu kusoo barbaaray. Sidoo kale, wuxuu kamid ah saraakiisha dardargelisay xiriirka Muqdisho iyo Asmara," ayay ku dareen dukumiintiyadda la helay.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo ayaa, sida tafaasiisha caddeyneyso, wuxuu ku talagalayey in uu askarta "ku aamusiyo mucaaradka kuna qabsado degmada Bu'alle".

"Kaalinta Qadar ee kiiskan waa mid muran ka taagan yahay balse waxay lahayd maalgelinta habraaca iyadda oo markii dambe isku day in ay iska leexido si aysan ula kulmin dharbaaxo caalami ah," ayay ku dareen laba illo wareed.

Ugu dambeyntii, dukumiintiyada waxay xaqiijinayaan in nidaamka qorista askartan lagu duufsadey in loo qaadayo Qadar uu ku saleysanaa qabiil gaar ahaan kuwa laga tirada badan yahay "si meesha looga saaro kuwa tunka waa-weyn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo u ogolaatay Itoobiya inay qeyb ka noqoto AUSSOM

Taliyeyaasha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageerto dhismaha awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 07:11PM

Madaxda Sirdoonka iyo Militeriga Itoobiya oo booqday Muqdisho

In kasta oo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer joogeen Soomaaliya, heshiiskani wuxuu muujinayaa iskaashi rasmi ah iyo qaab-dhismeed leh.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 12:41PM