Qaylo-dhaan laga soo saarey xabsiyo Soomaali ku jiraan gudaha Sacuudiga

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Hay'adda Caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha, Amnesty International, ayaa qaylo-dhaan waxay kasoo saartay xabsiyo lagu hayo muhaajiriin ay Soomaali kamid yihiin kuna yaala Sacuudi Carabiya.

Sidda laga soo xigtay warbixin kasoo baxdey Amnesty, qaxootiga ayaa wajahaya "tacadi aan la qiyaasi karin" – sidda in laba-laba la isugu xirayo, iyo in lagu qasbay in qolalka ay ku xiran yihiin ay u adeegsadaan suuli ama musqul.

Mas'uuliyiinta xukuumadda Riyadh ayay ugu baaqdey in ay wax ka bedelaan xaalada dhabta ah oo ay ku sugan yihiin qaxootigaas kasoo kala jeeda Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya, lagana soo barakiciyey sohdinta Yemen.

Jeelasha ay ku dhibaateysan yihiin qaxootiga ayaa waxaa lagu waramay in ay ku kala yaalaan magaalooyinka Jeddah, Mecca al-Dayer iyo Jizan.

Amnesty International oo wareysatay dadyow kala duwan ayaa laba kamid ah kasoo xigatay in ay arkeen meydadka saddex qaxooti ah kuwaasoo jinsiyadooda la wariyey in ay kala tahay Soomaaliya, Itoobiyaan iyo Ereteriyaan.

"Sikastaba, dhamaan kuwa aan wareysanay waxay sheegeen in ay garanayaan dadka ku geeriyooday xerada, afar kamid ah waxay tibaaxeen in ay arkeen meydadkooda," ayaa lagu yiri warbixintan lala wadaagay saxaafada.

Qormadda ayaa raacisay: "Dhamaan eedeymaha aan jeedinayeyno waxaan ku xaqiijinay muuqaalo, sawiro iyo baaritaano dhanka satellite-ka ah".

Hay'adda Socdaalka Caalamiga ee IMO ayaa bishii hore waxay daaha ka rogtay in kumanaan qaxooti ah ay ku xiran yihiin Yemen markii ay soo eryeen Xuutiyiinta dagaalka kula jiro dowladda caalamka aqoonsan yahay ee dalkaas.

Sacuudiga oo hogaaminaya xulafada Carbeed ee dagaalka kawada Yemen isla markaana iska caabinaya Xuutiyiinta ayaa ka cabsi qaba in qaxootiga ay ku jiraan qaar si hoose ula shaqeeya falaagada qorsheynayaana "falal argagixisanimo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM