Qidadda DF ay 'soo miin-guurisey ee xasilin weyday' Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Inkasta oo ay jiraan qodobo kale oo muhiim u ahaa qaranka, amniga ayaa kamid ah guuldarooyinka uu gabalka ugu dhacayo dowladda uu liijaanka u hayo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xasilinta caasimada Muqdisho iyo si wax ku ool ah oo loo wiiqo maleyshiyada Al-Shabaab ayaa kamid ah arimhii laga filayey hogaanka Villa Soomaaliya.

Sidda ay sheegayaan khuburada, fulinta shaqooyinkaas waxaa xukuumadda kaga
mashquushay siyaasada iyo qabashadda maamul goboleedyada dalka.

Cabdi Ismaaciil Samatar, barre sarre oo ka tirsan Jaamacada Minnesota ee waddanka Mareykanka ahna falanqeeye, ayaa maqaal uu ku daabacay bogga TRT World wuxuu ka eegay dhinac kale fashilka dowlada ee nabad-gelyada.

Dowlada ayuu tilmaamay "in ay so miin-guurisay istaraatiijiyad fashilantay oo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay isku dayaan in ay ku jebiyaan xeelada dagaal ee ururka argagixisadda taasoo ah ku dhufo oo ka dhaqaaqa".

"Marka ciidamada Midowga Afrika dagaal dhulka ah qaadeen iyagoo ay wehliyaan ciidamada aan sidda fiican loo tababarin ee Soomaaliya, Al-Shabaab waxay isaga baxaan degaanka balse shabakadooda waxay baaqi ku yihiin aagaga "la xoreeyay" si ay u cabsi geliyaan dadweynaha," ayuu Bofeesarka kaga dhawaajiyey.

Wuxuu ku daray: "Sidaas awadeed, laba duni ayaa ka jirta isla goobtaas isku midka ah; ciidamo AU oo rasmi ah balse aan joogitaan rasmi ah ku lahayn, lana arkeyn balse argagixisada dhabta ah waa kuwa maamula badi dadka shacabka".

"Dowladda Soomaaliya waxay soo miin-guurisay istaraatiijiyada Midowga Afrika waxayna ku fashilantay ay amni ku helaan dadka Muqdisho," ayuu xusay.

Nuqdeeyaha ayaa tibaaxay: "Fashilka taliska ee 20-kii sano ee lasoo dhaafay amni kusoo dabaali waayey Muqdisho waxay Al-Shabaab siisay amni ay dadweynaha kusoo rogaan amar walba oo ay ka doonayaan in ay dhaqan-geliyaan".

Canshuurista dekada Muqdisho oo u noqotay il ay dhaqaale ay ku maalgeliyaan howlgaladooda u noqotay, garsoorka loo doonto degaanada ay maamulaan iyo khaarijinta qorsheysan ayaa ugu caansan maxsuulka istaraatijiyaddaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM