Qiimaha Xajka iyo shirkadaha daabulaya xujeyda oo la shaaciyey
MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga gaarka ah ee loo magacaabay in ay maamulaan arrimaha Xajka ayaa jaan-gooyey cadadka lacagta sanadkaan ay Xujeyda Soomaaliyeed ku aadi doonaa Xajka.
Sidda ku cad warbixinta Guddiga, xirmooyinka caadiga ah ayaa ah aduun dhan $3,600 [saddex kun iyo lix boqol oo dollar], halka xirmooyinka VIP-da ay gaareyso 5,000 [Shan kun oo dollar-ka Mareykanka ah].
"Shirkadaha kama kordhin karaan lacagtaasi intaasi," ayuu Guddiga raaciyey, isaga oo sheegay in shirkadii ka talaabtay jaan-goyntaasi ay wayn doonto ruqsadda.
Guddiga ayaa sidoo kale waxa uu ku dhawaaqay magacyada shirkadaha iyo diyaaradaha ku guuleystay in ay sanadkaan daabulaan isla markaana ay bixiyaan adeegyadda Xajka.
Tartanka oo ay ka qaybgaleen 84 shirkadood ayaa waxaa kasoo baxay 50 kuwaasi oo magacyadooda ay kala yihiin sidaan soo socoto ee ku xusan halkaan hoose:-
Shirkadaha B
Daalo Airlines
Jubba Airways
Shirkadaha T
Freedom
Carafaat
Jowhar
Rixla Mubaaraka
Shirkadaha J
Ocean
Africa Express
Air Jabuuti
Darmar Travel
Hogal Travel
Rudwaan
Shirkadaha X
Daruuro
Shikradha Kh
Saaj Travel
Makka Travel
New Star
Answer Travel
SPD
Safarri Travel
Shirkadda D
Makka Al-Mukaram
Karaama
Kalkar
Manaasik Travel
Royal Som
Barayt
Al-Huda Travel Hajj and UImra
Al-Mnanaasik Fil Xaji Wal Cumra
Falal-cadde
Shirkadaha S
Dahala Airles
Al- Rayan
Federal
Euro Africa
Somali Travel
Teyseer
Labeyk
Qudus
University
Salam Hajj and Umra
Universal
Al-Saqar
Al-Ixsaan
Al- Hijra Travel
Cibaar Travel
AL-Hijra Air
Ritaaj
Hiiliye
Isfalaash
Salam Travel
Mustaqbal
Anfaal
National Airways
Abmooja Travel
Save Way
Travel Express
Key way
Ruksan
Hubaal
Daymond
Sikastaba ha ahaatee, guddigaan oo ay magacowday Wasaarada Awqaafta xukuumada federaalka ah, ayaa waxaa kalsoonida kala laabtay maamulada qaar, oo ku dooday in aan laga talogelin.
Dowlad Goboleedyadda sida Puntland ayaa ka codsaday wasaaradda in ay kusoo wareejiso qoondada ay ku leedahay arrimaha Xajka oo sanadkaan ay Soomaaliya ka bixi doonan 15-kun oo Xujey ah.
GAROWE ONLINE