QM oo cambaareysay weerarkii lagu dilay wasiir ku xigeenkii Shaqada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareysay is-miidaamintii ay Al-Shabaab shalay ku beegsatay dhismaha ay degan yihiin wasaaradaha.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa lagu dilay weerarkaasi, oo ku jiro wasiir ku xigeenkii Shaqada iyo Shaqaalaha.

Marxuum Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsan Gollaha Shacabka baarlamaanka 10-aad ee dalka.

Xafiiska Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa ayaa tilmaamtay in ay tacsi tiiraanyo leh u dirayso ehelka dadkii ku dhintay falkaas iyo qoyska wasiir Saqar.

Saqar oo kamid ahaa mudanayaasha dhalinyarada ah ee sharcidejinta ku cusub ayaa kasoo galay maamul goboleedka Jubbaland.

"Waxaan ku garab taagan yahay dadka Soomaaliyeed ka hortaga dhamaan rabshadaha," ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta xafiiska ee Twitter-ka.

Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyada qaraxyadii shalay ayaa tilmaamtay in ay dagaalyahaneeda gudaha u galeen dhismaha.

Dhismaha oo ku yaalla isgoyska Jubba ee degmada Shangaani ayaa waxaa degan wasaarada Shaqada, Howlaha Guud iyo Taliska Booliska gobolka Banaadir.

Kadib dhacdadaasi, waxaa xilalkii laga qaaday taliyeyaasha qaar kamid ah degmooyinka caasimada xili lagu bedalay kuwa kale.

Inkasta oo ay talaabadaan qaaday xukuumadda, hadana shacabku waxa uu is-waydiinayaa cida lagula xisaabtamayo wixii dhacay iyo in aysan dib dambe u soo laaban doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM