QM oo cambaareysay weerarkii lagu dilay wasiir ku xigeenkii Shaqada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareysay is-miidaamintii ay Al-Shabaab shalay ku beegsatay dhismaha ay degan yihiin wasaaradaha.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa lagu dilay weerarkaasi, oo ku jiro wasiir ku xigeenkii Shaqada iyo Shaqaalaha.

Marxuum Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsan Gollaha Shacabka baarlamaanka 10-aad ee dalka.

Xafiiska Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa ayaa tilmaamtay in ay tacsi tiiraanyo leh u dirayso ehelka dadkii ku dhintay falkaas iyo qoyska wasiir Saqar.

Saqar oo kamid ahaa mudanayaasha dhalinyarada ah ee sharcidejinta ku cusub ayaa kasoo galay maamul goboleedka Jubbaland.

"Waxaan ku garab taagan yahay dadka Soomaaliyeed ka hortaga dhamaan rabshadaha," ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta xafiiska ee Twitter-ka.

Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyada qaraxyadii shalay ayaa tilmaamtay in ay dagaalyahaneeda gudaha u galeen dhismaha.

Dhismaha oo ku yaalla isgoyska Jubba ee degmada Shangaani ayaa waxaa degan wasaarada Shaqada, Howlaha Guud iyo Taliska Booliska gobolka Banaadir.

Kadib dhacdadaasi, waxaa xilalkii laga qaaday taliyeyaasha qaar kamid ah degmooyinka caasimada xili lagu bedalay kuwa kale.

Inkasta oo ay talaabadaan qaaday xukuumadda, hadana shacabku waxa uu is-waydiinayaa cida lagula xisaabtamayo wixii dhacay iyo in aysan dib dambe u soo laaban doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM