Qodobada looga hadlay Shirka Golaha Amniga Qaranka

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxda Dawladda Federaalka Somalia iyo Hogaamiyaasha maamul goboleedyada ayaa maalintii labaad xarunta Madaxtooyada uga socda Shir ay uga hadlayaan Amniga Qaranka.

Shirkan ayaa lagu lafo gurayaa qodobo ay kamid yihiin dib u habeynta laamaha amniga, wada shaqeynta hay’adaha amniga ee Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.

Shirkan daba socdo shirkii bartamihii bishii Abriil ee sanadkan lagu qabtay Villa Somalia, kaasi oo looga dhawaaqay Golaha Amniga Qaranka iyo qorsheyaal kale oo ay kamid ahaayeen dib u dhiska ciidamada qalabka sida iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.

Xubnaha Golaha Amniga Qaranka waxaa kamid ah Madaxwayne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada, iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida.

Waxaa la filayaa in markii uu dhamado Shirka gelinka dambe ee maanta in Hogaamiyaasha ay soo saaraan War-murtiyeed ay ku midaysan yihiin, oo ay uga hadlayaan qodobada lagu heshiiyay.

Waa Shirkii Labaad oo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda maamullada ku dhexmara Muqdishu tan iyo markii uu talada dalka la wareegay bishii February ee sanadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM