Qodobada looga hadlay Shirka Golaha Amniga Qaranka

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxda Dawladda Federaalka Somalia iyo Hogaamiyaasha maamul goboleedyada ayaa maalintii labaad xarunta Madaxtooyada uga socda Shir ay uga hadlayaan Amniga Qaranka.

Shirkan ayaa lagu lafo gurayaa qodobo ay kamid yihiin dib u habeynta laamaha amniga, wada shaqeynta hay’adaha amniga ee Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.

Shirkan daba socdo shirkii bartamihii bishii Abriil ee sanadkan lagu qabtay Villa Somalia, kaasi oo looga dhawaaqay Golaha Amniga Qaranka iyo qorsheyaal kale oo ay kamid ahaayeen dib u dhiska ciidamada qalabka sida iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.

Xubnaha Golaha Amniga Qaranka waxaa kamid ah Madaxwayne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada, iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida.

Waxaa la filayaa in markii uu dhamado Shirka gelinka dambe ee maanta in Hogaamiyaasha ay soo saaraan War-murtiyeed ay ku midaysan yihiin, oo ay uga hadlayaan qodobada lagu heshiiyay.

Waa Shirkii Labaad oo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda maamullada ku dhexmara Muqdishu tan iyo markii uu talada dalka la wareegay bishii February ee sanadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM