Qodobadii kasoo baxay shirkii London oo Muqdishu looga hadlay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta ka qayb galey shir bila’ah oo looga hadlayey qodobadii ka soo baxey shirkii London, Saameynta Abaarha iyo Arimaha Federaalismka kaasoo ay soo qaban qaabiyeen Somalia Development and Reconstruction Facility Streering Committee Meeting (SDRF). 

Waxaana ka soo qayb galey Xubno kasocdey Golaha Wasiirada Soomaaliya, Safiirada wadamada Turkiga, Sweden, Norway, Talyaaniga, ku xigeenka UN-ka iyo madax ka socotey Maamul Goboleedyada dalka.

Waxaana kulanka shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ay weheliyaan Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale (Bayle),Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid (Juxa), iyo Phill Evans Madaxa DFID ee qaybta Soomaaliya waxaana lagu falanqeeyey sidii loo maamulilahaa dhaqaalaha dalka loona dhaqan gelin lahaa Go’aanidii shirkiii London.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo faah faahiyey arimaha uu ku saabsanaa shirka ayaa sheegey in looga hadlayey sidii loo dhaqan gali lahaa qodobadii ka soo baxey shirkii London iyo sidii loo hirgalin lahaa qorshaha Amniga dalka si loo qabto doorasho Qof iyo Cod ah 2020.Waxuuna intaasi ku daray in laga wada hadley qaabkii looga taabaabushan lahaa abaaraha soo noq noqda, caalamkana loo dareensiiyo inaan isku fil-naasho gaarnay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa usoo jeediyey madaxda maamul Goboleedyada inay dowlada dhaxe kala shaqeeyaan arimaha Fedaraalka si dalku ugu diyaar goroobo in lagu qabto doorasho xalaala oo shacabku ku kalsoon yahey,waxuuna codsadey in si wada jira looga shaqeeyo hormarka dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM