Qodobadii kasoo baxay shirkii London oo Muqdishu looga hadlay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta ka qayb galey shir bila’ah oo looga hadlayey qodobadii ka soo baxey shirkii London, Saameynta Abaarha iyo Arimaha Federaalismka kaasoo ay soo qaban qaabiyeen Somalia Development and Reconstruction Facility Streering Committee Meeting (SDRF). 

Waxaana ka soo qayb galey Xubno kasocdey Golaha Wasiirada Soomaaliya, Safiirada wadamada Turkiga, Sweden, Norway, Talyaaniga, ku xigeenka UN-ka iyo madax ka socotey Maamul Goboleedyada dalka.

Waxaana kulanka shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ay weheliyaan Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale (Bayle),Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid (Juxa), iyo Phill Evans Madaxa DFID ee qaybta Soomaaliya waxaana lagu falanqeeyey sidii loo maamulilahaa dhaqaalaha dalka loona dhaqan gelin lahaa Go’aanidii shirkiii London.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo faah faahiyey arimaha uu ku saabsanaa shirka ayaa sheegey in looga hadlayey sidii loo dhaqan gali lahaa qodobadii ka soo baxey shirkii London iyo sidii loo hirgalin lahaa qorshaha Amniga dalka si loo qabto doorasho Qof iyo Cod ah 2020.Waxuuna intaasi ku daray in laga wada hadley qaabkii looga taabaabushan lahaa abaaraha soo noq noqda, caalamkana loo dareensiiyo inaan isku fil-naasho gaarnay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa usoo jeediyey madaxda maamul Goboleedyada inay dowlada dhaxe kala shaqeeyaan arimaha Fedaraalka si dalku ugu diyaar goroobo in lagu qabto doorasho xalaala oo shacabku ku kalsoon yahey,waxuuna codsadey in si wada jira looga shaqeeyo hormarka dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM