Qodobo laga soo saarey shirka guddiga farsamada Baydhabo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga farsamadda ee loo saarey khilaafka doorashooyinka heer federaal ayaa qoraal ay soo saareen ku xaqiijiyey in uu "guul kusoo dhamaadey shirkii uga socday Baydhabo".

Sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay guddiga, qodobadii la isku hayay ee kala ah guddiyada maamulaya coddeynta, xulista wakiilada Somaliland iyo arrinta gobolka Gedo waa la xaqliyey.

Madaxda dowladda federaalka ah iyo maamuladda ayay ka dhawaajiyeen in ay u gudbiyeen soojeedin ay u arkeen in ay xal u yihiin is-faham-waaga jira. Balse masoo bandhigin qodobadda ay ku taliyeen.

"Sidoo kale guddiga wuxuu ugu baaqayaa madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka shir ay isugu yimaadaan 18-ka Febraayo ee sanadka 2020-21," ayaa lagu yiri bayaankan uu arkay warsidaha Garowe Online.

Hasa ahaatee, ma aysan carabaabin goobta uu ku qabsoomayo shirkaas. Warar aan la xaqiijin waxay xusayaan in goobta lagu kulmayo ay kamid tahay soojeedinta ay guddiga u gudbiyeen hogaanka waddanka.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in arrinta gobolka Gedo oo xudun u ahayd burburka shirkii Dhuusamareeb 4 ay isa-soo-dhowaanshiyo ka jirta laguna shaqeynayo soojeedintii shirkii xarunta Galmudug.

Qoraalka kasoo baxay shirka guddiga farsamadda ayaa kusoo hagaagaya xilli Midowga Musharaxiinta ay 19-ka bishaan ku baaqeen mudaaharaad lagu dalbanayo in dalka uu u dareero doorasho xalaal ah oo daahfuran.

Hoos ka akhriso qoraalka guddiga

May be an image of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM