Qodobo laga soo saarey shirkii DF iyo musharaxiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afar qodob ayaa laga soo saarey shirkii magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku dhexmaray Dowladda Federaalka ah iyo Midowga Musharaxiinta madaxtinimada.

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in dowladda federaalka ay cambaareyneyso dhacdooyinkii 19-kii Febraayo ka dhacay Muqdisho ayna ka tacsiyeyneyso dhimashadda.

"Sidda uu qabo qodobka 20aad ee dastuurka ku meelgaarka ah ee JFS, qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu abaabulo kana qeybgalo banaan si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo. Sidaas darteed, xukuumadda federaalka Soomaaliya waxay damaanad-qaadeysaa in ay ilaalineyso xuquuqdaas dastuuriga ah," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa lagu tibaaxay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo musharaxiin ay kawada shaqeynayaan in banaanbaxa uu si nabadeed ugu qabsoomo.

"Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Musharaxiinta waxay isla garteen in dib loo dhigo banaanbaxii loo balansanaa maalinta berri oo Jimce ah," ayaa lagu soo xiray.

Daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya ayaa si weyn isha ugu haayey wadahadaladan, waxaana ay xooga ku saarayaan ka qeybgaleyaasha in ay is-afgarad rasmi ah gaaraan.

Balse, su'aasha ugu weyn ee taagan ayaa waxay tahay hadii dowladda federaalka ah ee waqtiga ka dhamaadey ay fulin doonto heshiiskan maadaama ay horey ugu fashilantay fulinta is-afgaradyadii hore.

Hoos ka akhriso qoraalka

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM