​Qof ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia- Hal qof ayaa geeriyooday saddex kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan kadib markii uu dagaal ku dhexmaray gudaha magaalada Jowhar ciidamo kawada tirsan kuwa maamulka Shabeellaha dhexe.

Iska hor-imaadka labada ciidan ayaa ka dhacay suuqa xoolaha degmadaas, waxaana sababta is-rasaasaynta keentay lagu sheegay is-maandhaaf dhexmaray labo askari.

Dad goob joogayaal ah ayaa GO u sheegay in Dagaalku yimid kadib markii Askari ka tirsan ciidanka dowladda uu jirdil u geystay nin ka mid ah wadayaasha Mooto saddex lugood-layda ah ee Somalidu u taqaan "Bajaaj" kadibna tallaabadaas uu ka xumaaday Askari kale.

Waxyeellada ka dhashay dagaalkaas ayaa la sheegaya inuu  ku koobanyahay dhinacyada dagaallamay inkastoo goobta ay joogeen dad badan oo shacab ah.

Suuqa lagu dhex dagaallamay waxaa markii dambe soo gaaray ciidamada booliiska degmadaas oo xaaladda kusoo celiyay sidii hore.

Maaha markii ugu horaysay Askar katirsan kuwo maamulka gobolkaas is-ka hor imaad dhexmaro, balse falkan ayaa imaanaya xilli magaaladaas caasumad looga dhigay maamulka Hir-Shabeelle oo hadda si rasmi ah ugu shaqeeya.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulkaas iyo kuwa gobolka oo ku saabsan is-rasaasaynta suuqa ku dhexmartay ciidamadaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM