Qoondada ay Al-Shabaab ka hesho gargaarka UN-ka oo la shaaciyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Kenya ayaa si cad daaha uga rogtay in uu jiro cilaaqaad u dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo xoogaga Al-Shabaab.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arrimaha dibada Kenya ayaa shaaciyay in UN-ka uu qoondo ka siiyo kooxda gargaarka ay siiyaan Soomaaliya.

Macharia Kamau ayaa ku tilmaamay qoondadaasi ay gaareyso 10% oo kamid ah gargaarkooda, inkasta oo uusan soo bandhigin caddeymo waafi ah.

"Waxa argagixisada loo siinayo waa in ay bad-qabaan cunada iyo gargaarka kale ee u socda Soomaaliya," ayuu Macharia Kamau yiri, sida ay kasoo xigatay warbaahinta.

Hadalka xoghayaha ayaa kusoo aadaya iyada oo maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ ay taallo dacwad u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Dacwada oo ay Soomaaliya gudbisay 2014-kii ayaa salka ku haysa muran ay Kenya gelisay qayb kamid ah biyaha dalka leh xeebta ugu dheer Afrika.

Horaanta sanadka 2020-ka ayaa lagu wadaa in ICJ ay go’aan kama dambeys ah ay kasoo saarto xili Soomaaliya ay labinta heshay wareegii koowaad ee coddeynta.

Dhawaqa cusub ee kasoo yeeray Kenya oo u muuqda "qar iska tuurnimo" ayaa si lamid ah kusoo aadaya iyadoo ciidamada wadankaasi ee qaybta ka ah AMISOM ay soo faarujiyeen saldhiyadooda gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Talaabadaasi oo lagu dhaliilay Kenya ayaa sababtay in uu khilaaf soo kala dhex-galo hogaanka ciidamada dalkaasi iyo taliyeyaasha wadamada ciidanka ku taageeray howlgalka midowga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM