Qoorqoor iyo Guudlaawe oo kulamo kawada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyneyaasha Galmudug iyo HirShabelle, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor iyo Cali Cabdullaahi Guudlaawe, ayaa xalay Muqdisho kula kulmay mas'uuliyiinta degaanada ay kasoo jeeda ku metela xukuumadda.

Sidda ay wararku sheegayaan, mas'uuliyiinta ay la kulmaan ayaa isugu jiray Wasiiso, ku xigeeno iyo Wasiiru-dowleyaal.

Kulanka ayaa, sidda xoguhu caddeynayaan, waxaa diiradda lagu saarey doorashooyinka, siyaasadda, iyo xaaladaha ammaan ee degaanadda ay metelaan.

"Dhinacyadda waxay si qoto dheer u lafa-gureen sidii wax looga qaban lahaa xaaladahaas iyo qaabkii doorashooyinka soo aadan ugu qabsoomi lahaayeen si xasilooni ah," ayuu yiri mas'uul kulanka qeyb ka ahaa oo bogga GO la hadlay.

Wasiiradda ayaa la wariyey in ay ka codsadeen Qoorqoor iyo Guudlaawe in ay xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Villa Soomaaliya "uga faa'iideystaan hirgelinta metelaadda gobolka Banaadir iyo maqaamka caasimada Muqdisho".

Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya ayaa xeerinaya qaabka loo meelmarinayo metelaada gobolka Banaadir iyo maqaamka Muqdisho, balse madaxda waqtiga kasii dhacayo waxay doonayaan in ay ololaha doorashadda ku galaan.

Sanadkii lasoo dhaafay, baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyey xeer gobolka Banaadir kuraas ka siinaya baarlamaanka federaalka, balse guddoonka wuxuu u bedelay qaraar maadaama madaxweyne dood sharci ah ku furmeyso haduu saxiixo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM