Qoorqoor oo gudbiyey xubnihii laga sugayey ee guddiyada

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa gudbiyey xubnihii laga sugayey ee maamulkiisa ku metalaya guddiyadda doorashooyinka heer federaal.

Xubnaha uu soo gudbiyey Qoorqoor ee kamid noqonaya guddiyada doorashooyinka federaalka waa; 1- Yahye Cismaan Gedi, 2- Mahad Abdullahi Mahamud iyo 3- Hawo Adan Yare Culusow

Hal xubin kale oo kamid noqoneysa Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo ah Ayan Abdirahman Mahamud ayuu Qoorqoor magacaabay, sida ku xusan qoraalka kasoo baxay xafiisiisa saxaafada.

Galmudug ayaa ahayd maamulka kaliya ee ka haray gudbinta liiska xubnaha guddiyada doorashooyinka iyadda oo dowlad goboleedyadda ay horey ula wadaageen xukuumadda xilgaarsiinta.

Shalay, Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa ku tartarsiisay hogaanka Galmudug in ay "si dhaqso ah" u soo gudbiyaan liiska xubnaha ku metelaya guddiyadda doorashooyinka heer federaal.

Dhaleeceyntaas kadib, ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Qoorqoor ayaa yeeshay wadaxaajoodyo ka dhanka telefoonka ah iyaga oo isla meeldhigay in uu soo gudbiyo liiska laga rabo.

Waxay ahayd markii labaad oo xukuumadda ay Qoorqoor ka dalbado in uu soo magacaabo xubnaha uga mid noqonaya guddiyaddan, sidda uu xeerinayo heshiiska la shaaciyey 27-dii May.

Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, iyo HirShabelle ayaa horey u gudbiyey wakiiladooda guddiyaddan, iyadoo wali is-jiid-jiid uu ka taagan yahay guddiga coddeynta ee wakiiladda Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM