Qoorqoor oo guddi u saarey baarista dilka wadaad

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] ayaa wuxuu guddi gaar ah wuxuu u magacaabay baarista dilka wadaad oo asbuucii hore ka dhacay gobolka Mudug.

Allaha u naxariiste Sheekh Cali Axmed Faarax [Sheekh Cali Dheere] oo la wariyey "in la afduubtey" ayaa wuxuu ka tirsanaa ka tirsanaa culumada Soomaaliyeed iyo dadka ka shaqeeya samafalka.

Sida ku xusan wareegtada kasoo baxdey xafiiska Qoorqoor, waajibaadka guddigan waxaa kamid ah raadin iyo baaris ku sameeya falkii afduubka iyo dilka loogu geystay Sheekh Cali Dheere.

Wareegtada lagu magacaabay guddiga ayaa u qorneyd sidan;

MAGACAABID GUDDI XAQIIQO RAADIN IYO BAARIS.

Taariikh 17/5/2021

Maalin:  isniin

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu magacaabay Guddi xaqiiqo raadin iyo baaris ku sameeya falkii afduubka iyo dilka loogu geystay Allaha u naxariiste Sh. Cali Axmed Faarax (Sh. Cali Dheere) oo ka tirsanaa culumada Soomaaliyeed iyo dadka ka shaqeeya samafalka oo ka howlgali jiray gobolka Mudug.

Madaxweynuhu wuxuu magacaabay guddiga hoos ku xusanyihiin:-

1. Avv Muumin Xuseen Cabdulaahi (Guddoomiye)

2. Avv Cabdixakiin Maxamed Xirse  (Guddoomiye kuxigeen)

3.Saciid Maxamuud Jimcaale          (Xogheyn)

4. G/Dhexe Maxamuud   Axmed Maxamed (Cawil) (Xubin)

5. X/LE Ciise  Axmed Cali   (Xubin)

6. Cabdi Jaamac Cabdulle (Xubin)

7. C/risaq Khaliif Aaden  (Xubin)

Magacaabista guddigaan ayaa dhaqangaleysa marka uu saxiixo madaxweynuhu waana uu saxiixay.

DHAMAAD.


Qoorqoor ayaa 16-kii bishaan wuxuu Gaalkacyo kaga qeybgalay aaska marxuumka oo la sheegay in habeen madow lagala baxay goob lagu xanaaneeyo caruurta oo ku taala koonfurta Gaalkcyo.

Kahor aaska, meydka marxuumka ayaa afar casho ku jiray qaboojiyo kadib markii qoyskiisu ay diideen in la aaso illaa ay ka helayaan cadaalad, waxaana aakhiritaankii lagu qanciyey in la duugo.

Mas'uuliyiinta Galmudug ee gobolka Mudug ayaa balanqaadey in cadaaladda la horkeeni doono cid kasta oo ay ku cadaato in ay ku lug lahayd dilka iyo afduubka Sheekh Cali Dheere.

Inkasta oo wali aysan si rasmi ah u jirin cid si madax banaan u xaqiijin karta, ciidamada booliska Galmudug ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka wadaadkan. Balse, dhinacooda wali ma aysan hadlin eedaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM