Qoorqoor oo iska-difaacay eedeyn loo jeediyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa iska difaacay eedeynta uga timid dhigiisa Jubaland, Musharaxiinta, Afhayeenka Aqalka Sare.

Dhinacyaddan ayaa sheegay in Qoor-qoor uu ka been-abuuray dhexdhexaadintii uu u sameynayay dowladda iyo darafyadda kasoo horjeeda.

Qoor-qoor ayaa lagu haystaa hadalkii uu sheegay ee ahaa in uu jawaab ka waayey madaxdii uu kula kulmay Garowe kadib markii uu la wadaagay mowqifka Villa Soomaaliya ee fariintii ay uga soo dhiibeen caasimadda dowladda Puntland.

Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu si gaar ah carabka ugu dhuftay, isaga oo wax laga xumaado ku sifeeyay in uusan soo hadal-qaadin mas'uuliyiinta ay ahayd in uu fariinta Villa Soomaaliya gaarsiiyo.

Sidda laga soo xigtay Qoor-qoor, dowladda Soomaaliya ayaan ku dhawaaqin in ay qabaneyso doorashooyin ay ka maqan yihiin maamulada Jubaland iyo Puntland.

"Anigu ma maqlin meel lagu qabanayo doorashooyin ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland. Doorashadda waa lagu heshiiyey in laga wada qeybgalo. Waa sax in ay tabashooyin jiraan, mar walbana waxa laga wada hadlayey waa in lawada xaliyo," ayuu hadalkiisa ku daray Qoor-qoor.

Hogaamiyaha maamulka Galmudug ayaa u muuqda mid ku fashilmay in uu kasoo dhalaalo doorkiisa dhexdhexaadinta isla markaana si toos ah ugu milmay ololaha dib u doorashada Farmaajo taasoo lumineysa fursad uu kalsooni kale ku helo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cunaqabataynta Al-Shabaab oo La Kordhiyay

Wakiilka Federaalka Ruushka ayaa ka jawaabay isagoo sheegay in "arrinta Yemen ay u baahan tahay in si gaar ah loo tixgeliyo."

  • Soomaliya

    04-03-2025

  • 01:04PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Lacageed Gaarsiisay Xarunta Maamo Ugaaso iyo SWDC

Maamo Uagaaso ayaa ugu mahadcelisay deeqda lacageed ee Hormuud ay ku taakuleneyso xaruntaan.

  • Soomaliya

    04-03-2025

  • 12:04PM