Qoorqoor oo "ka baxay" dhexdhexaadnimada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa si rasmi ah ugu wargeliyey Midowga Musharaxiinta in uusan dhexdhexaad ka ahayn is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2020—21, sidda uu shaaciyey Danjire Daahir Maxamuud Geelle.

Geelle oo u waramay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa kamid ah musharaxiintii habeenimadii Axada huteelka Decaale ee Muqdisho kula kulmay madaxda maamulada taabacsan Villa Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo HirShabelle – Cabdicasiis Laftagareen, Axmed Qoor-qoor iyo Cali Guudlaawe – ayaa musharaxiinta u sharaxay mowqifkooda codeynta.

"Mdaxweyne Axmed Qoorqoor, annaga oo aad u xormeynayna, wuxuu noo sheegay in arrinta socota aanu dhexdhexaad ka ahayn. Marka waxaan rabnaa dadka Soomaalida ah in ay nala fahmaan marka dhexdhexaadiye aan dhexdhexaad ahayn uu wax dhexdhexaadiyo natiijada ka dhalan karta," ayuu Geelle yiri, isaga oo ka jawaabaya su'aal khuseysa fahfaahinta kulanka.

Wasiirkii hore ee warfaafinta iyo safiirkii Soomaaliya ee Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijiyey in Laftagareen waydiistay in uu kalkan isaga door ka cayaaro isu soo dhaweynta maamulada, musharaxiinta iyo dowlada.

"Asaga [Laftagareen] kaligiisa looguma simi doonto. Qof kasta oo Soomaaliyeed ayaa ku dedaali doona sidii arrimaha taagan xal looga gaari karaa. Asagana [Laftagareen] waxaan rajeynaynaa in dedaaladiisa ay miradhali doonan," ayuu ku daray musharaxa madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle.

Sidda laga soo xigtay Geelle, madaxda maamulada u jaranjeera Villa Soomaaliya ayaa si furan ugu sheegin musharaxiinta "in ay doonayaan bilaabida doorashada Aqalka Sarre, balse markii aan dhowr jeer-jeer ku celcelinay waxay dhaheen waa bilaabeynaa iyo ma bilaabi karo ma dhihi karo".

Diblumaasiga ayaa intaas ku daray in Laftagareen, Qoor-qoor iyo Cali Guudlaawe ay qorsheynayaan in ay la xiriiraa Jubaland iyo Puntland.

"Su'aasha aad i waydiisay ee maxaa ku jaban hadii maamuladan bilaabaan doorashooyinka? Waxaa ka dhalaneysa dowlad xuduudeedu tahay koonfurta Gaalkacyo iyo Muddul Baraawe. Ma dooneyno in ubadkeenu naga dhextaal dowlad xuduudeedu tahay koonfurta Gaalkacyo iyo Muddul Baraawe. Waxaan dooneynaa in doorasho loowada dhan yahay in waddanka ka dhacdo xataa hadii tuulo maqan tahay lagama maarmo," ayuu qeexay.

Ugu dambeyntii, madaxda dowladda federaalka ee waqtigooda kasii dhacayo ayuu ku eedeeyay in ay dooneynaa in waddanka ka qabtaan doorasho aan heshiis lahayn, isaga oo uga digay cawaaqib laga dhexli karo oo uu hoosta ka xariiqay in ay kamid tahay halis oo wajahda midnimada waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Wasiir hore oo loo xukumay afduub iyo burcad-badeednimo

Wariye Michael Scott Moore ayaa wuxuu haystaa dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 07:56AM

Fahfaahin cusub oo laga helay kulankii Xamse iyo wafdiga dowlada Kenya

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa isku-dayada Villa Soomaaliya ku cadaadineyso maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    14-11-2024

  • 12:10PM