Qoorqoor oo kormeeray dhul laga xoreeyay Al-Shabaab

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa wuxuu maanta kormeer ku tagay goobihii laga xoreeyay kooxaha argagaxisada ah ee Shabaab.

Qoorqoor ayaa safar dheer oo dhulka ah kaga ambabaxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug asagoona gaaray galinkii hore ee maanta magaalada Wisil ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidamada qalabka sida ee howlgalada ka wada halkaas ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay Wisil waxaana halkaas warbixin kaga dhageystay.

Sidoo kale, madaxweynaha oo safarkiisa sii wata ayaa kormeer ku sii maray deegaano ka tirsan Bacadweyne asagoona ugu danbeyntii tagay Degmada Bacadweyne oo ciidamada qalabka sida ay dhawaan ka xoreeyeen kooxaha khawaarijta ah ee nabaddiidka ah.

Ugu dambeyntii, Qoorqoor oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Galmudug iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa galinkii danbe ee maanta kormeerkiisa kusoo afmeeray Degmada Camaara iyo deeganada hoos yimaada oo "dhawaan laga sifeeyay kooxaha Nabaddiidka ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM