Qoorqoor oo wadahadalo la yeeshay Beesha Caalamka

Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday wakiilada Beesha Caalamka u fadhiya caasimada Muqdisho.

Wafdiga ayaa la sheegay in uu hogaaminayey Ergayga gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan.

James ayaa waxaa lagu waramay in ay wehlinayeen xubno ka tirsan wakiilada beesha caalamka sida wakiilka Midawga Afrika, iyo wakiillo ka socday EU iyo urur goboleedka IGAD.

Madaxtooyadda Galmudug oo soo saartey war-saxaafadeed ay ku fahfaahisay qodobadda diiradda lagu saarey kulankan kaasoo kusoo aaday iyadda oo waddanka isku diyaarinayo doorashooyinka dalka.

"Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha amniga, doorashooyinka, bini aadanimada iyo xaalada guud ee Galmudug iyo Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyadda maamulka Galmudug.

Qoorqoor ayaa shalay ayaa dib ugu laabtay caasimadda Galmudug ee Dhuusamreeb kaddib safar shaqo oo uu muddo uga maqnaa kuna soo maray magaalooyinka Muqdisho iyo Ankara.

"Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyey Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Barlamaanka Maxamed Nuur Gacal, xubno ka tirsan labada gole, maamulka caasimadda iyo qeybaha bulshada," ayaa lagu yiri qoraal shalay kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug.

Wadahadalo uu la yeeshay wakiiladda Beesha Caalamka ayaa qeyb ka ah kulamo ay maalmihii lasoo dhaafay la yeenayeen saxiixayaasha heshiiska doorashooyinka kaasoo qorshuhu yahay in lagu fuliyo 60 casho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM