Qoorqoor oo wahadalo la yeeshay Swan iyo Yamamoto

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] oo maanta dib ugu soo laabtey Muqdisho, ayaa durba la kulmay qaar kamid ah wakiiladda Beesha Caalamka.

Dhinacyadda uu Qoorqoor la shiray ayaa kala ah; ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, iyo danjiraha Mareykanka u jooga Muqdisho, Donald Yamamoto.

Madaxtooyadda Galmudug oo qoraal kooban kasoo saartey wadaxaajoodyada labada dhinac ayaa lagu caddeeyay in darafyada ay diiradda saareen hal ajande oo ah furitaanka shirka xalka lagu goobayo.

Sidda ay muujinayaan sawirada laga soo qaadey, kulamada ayaa u dhacay siyaabo kala gooni-gooni ah, waxaana Madaxtooyadda Galmudug ay dhankeeda ka faafisay qoraalo kala duwan balse isku mid ah.

"Madaxweynaha Galmudug iyo ergeyga gaarka ah ayaa ka wada hadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16-kii Febraayo 2021," ayaa lagu yiri qoraalka ay Madaxtooyadda kasoo saartey kulanka Qoorqoor iyo James Swan.

Dhanka kale, qoraalka kulanka Qoorqoor iyo Yamamota ayaa u dhignaa: "Madaxweynaha Galmudug iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay dadaalada Beesha caalamku ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021".

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa carqaladeyneysa qabsoomida shirka xalka loogu goobayo khilaafka doorashooyinka, iyadda oo dooneysa in kulanka ku koobnaa saxiixa soojeedintii guddiga farsamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM