Qoorqoor oo wahadalo la yeeshay Swan iyo Yamamoto

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] oo maanta dib ugu soo laabtey Muqdisho, ayaa durba la kulmay qaar kamid ah wakiiladda Beesha Caalamka.

Dhinacyadda uu Qoorqoor la shiray ayaa kala ah; ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, iyo danjiraha Mareykanka u jooga Muqdisho, Donald Yamamoto.

Madaxtooyadda Galmudug oo qoraal kooban kasoo saartey wadaxaajoodyada labada dhinac ayaa lagu caddeeyay in darafyada ay diiradda saareen hal ajande oo ah furitaanka shirka xalka lagu goobayo.

Sidda ay muujinayaan sawirada laga soo qaadey, kulamada ayaa u dhacay siyaabo kala gooni-gooni ah, waxaana Madaxtooyadda Galmudug ay dhankeeda ka faafisay qoraalo kala duwan balse isku mid ah.

"Madaxweynaha Galmudug iyo ergeyga gaarka ah ayaa ka wada hadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16-kii Febraayo 2021," ayaa lagu yiri qoraalka ay Madaxtooyadda kasoo saartey kulanka Qoorqoor iyo James Swan.

Dhanka kale, qoraalka kulanka Qoorqoor iyo Yamamota ayaa u dhignaa: "Madaxweynaha Galmudug iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay dadaalada Beesha caalamku ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021".

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa carqaladeyneysa qabsoomida shirka xalka loogu goobayo khilaafka doorashooyinka, iyadda oo dooneysa in kulanka ku koobnaa saxiixa soojeedintii guddiga farsamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM