Qorshaha cusub ee Beesha Caalamka kadib fashilka shirkii Dhuusamareeb

Image
  • MUQDISHO, Soomaaliya - Marka laga reebo hogaamiyaha Koonfur Galbeed oo galabta ku laabtey Baydhabo, madaxda Puntland, Jubaland, HirSbabelle iyo Galmudug ayaa kulan fogaan arag ah la galay wakiilada Beesha Caalamka.

Ajendaha waa xaaladda kala guurka iyo marxalada dalka geli karo kadib dhamaadka muddo xileedka Farmaajo.

Qorshe ay diblumaasiyiintu ku doonayaan in Muqdisho ay shir ugu qabtaan dhamaan saamileyda ayaa sidoo kale miiska saaran.

Kulankan oo ku qabsoomaya aaladda fogaan aragga ee Zoom-ka ayaa kusoo hagaagay xilli todobaadkan uu fashil kusoo dhamaadey wadahadaladii madaxda dowlada iyo maamulada.

Burburka wadahadalada oo arrinta gobolka Gedo ay xudun u tahay waxay ka dambeysay markii uu tanaasul ka sameyn waayey madaxweyne Farmaajo "xal kasta oo lasoo jeediyey".

Saaxiibadda caalamka ayaan wali caddeyn mowqifkooda kulankaas. Balse, waxay u muuqdaan kuwa sameynaya dedaalo daaha gedaashiisa ah kahor inta aysan ku dhawaaqin go'aankooda kama dambeysta ah.

Faragelin ay Beesha Caalamka ku sameyso is-mari-waaga doorashooyinka Soomaaliya hadii hogaanka Soomaalida heshiin waayaan ayaa u muuqatay mid suurtagal ah, waxaana ay arrintaas dharbaaxo ku tahay Villa Soomaaliya oo ka cagajiideysay wadaxaajoodyo miradhal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM