Qorshe cusub oo lagu xasilinayo Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka cusub ee wasaaradda amniga Somalia Maxamed Abuukar Islow, ayaa maanta soo bandhigay qorshe lagu soo celinayo Nabadgelyada iyo kala-dambeynta caasumadda Somalia.

Isagoo ka hadlayay munaasabad uu xilka kula wareegayay, ayuu sheegay Wasiirka in ahmiyada kowaad uu siin doono wax ka qabashada nabad-galyada Muqdishu oo amnigoodu aad u xumaa muddooyinkii dambe.

Wasiirka amniga ayaa ugu magac-daray qorshaha cusub (Xasilinta Caasumadda Somalia).

"Waxaan la imaan doonaan qorshiyaal cusub, oo lagu sugayo guud ahaan amniga dalka, waxaana ka billaabi doonaan Muqdishu, waxaana ka codsanaynaa shacabka inay nala shaqeeyaan," Ayuu yiri Islow.

Dhanka kale, Wasiirka cusub ee wasaaradda amniga Somalia ayaa ugu baaqay dhalinyarada ku jirta Al shabaab inay kasoo baxaan Kooxdaasi, islamarkaana ay qeyb ka noqdaan dib u dhiska dalkooda.

Wasiir Islow ayaa xilka la wareegay xilli Muqdishu ay ka dhacayaan weeraro iyo dilal qorsheysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM