Qorshe Rooble la tagey magaalada Garowe oo shaqeyn waayey

Image

GAROWE, Puntland- Kadib markii wafdi uu hogaaminayo Ra'isal Wasaare Rooble booqasho ku tageen magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan waxaa fashilmey wadahal laga yeeshey xaalada doorashada Somaaliya.

Wararka aya xusaya in Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani diidey qorshe hordhac ah oo uu RW Rooble kaga codsadey in Puntland soo magacawdo Guddiga doorashooyinka ismarkanaa Muqdisho loo soo diro kadibna la wada hadlo, wixii khaldana la saxo markaas kadib.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu shuruud ku xiray magacaabida Guddiga, isla markaana dalbaday in la xaliyo arrinta Gobolka Gedo iyo in dib u eegis lagu sameeyo Guddiga doorashada ee muranku ka taagan yahay. 

Ra'isul Wasaare Rooble ayaa ku adkeystey sida xogtaan tilmaameyso in marka hore la fuliyo shirkii Muqdisho wixii lagu heshiiyay, arrinta Gedo-na shir gaar ah looga hadlo.

Lama oga sababta Ra'isal Wasaare Rooble uga soo hormarinayo in guddiyada doorashada la soo magacaabo iyada weli aan la xalin qodobada la isku hayo. 

Waxaa la filayaa sida ka soo baxdey kulankii dhowaan Muqdisho ku yeesheen dowlada Federaalka, beesha caalamka iyo maamulada in kulan degdeg ah laga yeesho xalinta khilaafaadka taagan. 

Kulankaas lagu dhawaaqey oo aan weli la mudeyn ayaa sababi kara in doorashooyinka Soomaaliya dib uga dhacaan waqtigii loogu talagalay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM