Ra'isal Wasaaraha oo furay shirka Cadaado

Image

Cadaado, 31, May, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa maanta gaaray degmada Cadaado, halkaas oo uu ka socdo shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe,

Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey masuuliyiin uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odowa, Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Sh. Cali Diini, Wasiiro ku xigeeno, Wasiiru Dowlayaal ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb, Madaxweynaha Galmudug, Siyaasiyiin iyo Dadweyne kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu gaaray hoolka shirku ka socday salaan la dhex qaaday ergadii halkaas ku shiraysay, isagoona uga mahadceliyey ergada dhabar adayga ay muujiyeen mudadii ay ku howlanaayen xulista ergooyinka.

“Maanta waxaa farxad ii ah inaan furo wajigii labaad ee shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe, wuxuuna shirkaan qayb ka yahay dadaalada xukuumaddu ay ku xaqiijinayso higsiga 2016, oo dalka looga dhisayo maamulada, wajiga labaad ee shirka waxaa lagu ansixinayaa axdiga KMG ah oo uu yeelanayo maamulka looga dhawaaqayo madashaan, waxaana uga baaqayaa Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Gudiga Farsamadu iney iska kaashaadaan sidii loo qancin lahaa dadka qaba tabashooyinka” ayuu yiri RW Cumar.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Gudiga Farsamada dadaalkooda ku aadan ka miro dhalinta shirkan, wuxuuna ku booriyey odayaasha dhaqanka iyo ergada shirka ka qayb galaysa iney dadajiyaan habsami u socodka shirka, lana soo gabagabeeyo dhamaadka bisha Ramadaan hadii Alle Idmo.

---DHAMMAAD---

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM