Ra'isal Wasaaraha oo gaarey magaalada Cadaado

Image

May 31, 2015 (GO)- Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa gaarey magaalada Cadaado, halkaasoo lagu wado inuu maanta ka furmo wejiga labaad ee shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe.

Wafdiga Ra'isal Wasaaraha oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo saraakiil ciidan, waxaa si diirran loogu soo dhoweeyey garoonka, waxaana intaas kadib loosoo gudbiyey goobta loogu talo galay inay degaan.

Horay waxaa degmada Cadaado ugu sugnaa wasiirro, xildhibaanno iyo in badan oo kamid ah isimmada iyo cuqaasha beelaha dega gobollada dhexe.

Faah faahin ku saabsan shirka Cadaado iyo booqashada Ra'isal Wasaare Sharma'arke degmadaas maanta ku gaarey dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM