Ra'isal Wasaaraha oo la kulmay madaxda gaashaan-dhigga USA

Image

June 11, 2015 (GO)- Raysalwasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa magaalada Washington ee dalka Maraykanka maalinti Salaasada shir kula qaatey ku-Xigeenka Xoghayaha Gaashaandhigaa Maraykanka Robert O. Work. Wefdiga Raysalwasaaraha waxaa kamid ah Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Gen. Cabdilqaadir Shiikh Cali Diini,

Waxaana shirka diiradda lagu saarey arrimaha amaanka, gar ahaan dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, midenyta ciidamad Qaranka, la dagaalanka argagixisada iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Ku-xigeenka Xog-hayaha gaashaandhigga Maraykna Bob Work ayaa amaaney guulaha ciidamada Soomaaliya ka soo hoyeen la dagaalanka al-Shabaab labadii sano ee u danbeysey.

Labada dhinac ayaa ka wada hadley mideynta ciidamada qaranka ee Soomaaliya ee dhamaan gobolada dalka, taas oo muhimad weyn u leh la dagaalanka al-Shabaab, sidoo kale waxay ka wada hadleen ciidamada gaarka ah ee Danab ee Maeaykanku tababarey kuwaas oo tusaale u noqon kara ciidamada dalka oo dhan.

Bob Work ayaa hoosta ka xariiqey sida Dowladda Marayanka ay uga go’an tahay taageerada ay siinayaan AMISOM iyo Soomaaliya, iyo hormarinta ciidamada amanka ee Soomaaliya, sida lagu yiri bayaan shirkaas ka soo baxay.

-Kuxigeenka Xogayaha Gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegey in ay lagama maarmaan tahay in Soomaaliya dhamaystirto dhismayaasha Dowladaha, si loo wajaho doorashooyin dalka ka dhaca sanadka danbe, kaas oo ah mid horey loogu heshiiyey waqti dejusan “Horumarka dhanka siyaasadda ayaa lagama maarmaan u ah asaaska horumarka ciidamada amaanka ee Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Wefdiga raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Madaxda Pentogon-ka Maraykanka ayaa isla qaatey in wada shaqeyntu ay horey u socoto.

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa todobaadkii hore safar shaqo ku tahay xarunta Qaramada Midoobey ee New York, halkaas oo uu Golaha Amaanka siiyey warbixin ku saabsan Soomaaliya.

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM