Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid oo ka hadley weerarkii Kismayo

Image

22 August,2015 (GO)- Ra'isal wasaaraha Somalia oo ka hadley maanta weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaadey xero ciidamo ee ku taal magaalada Kismayo halkaasoo ku dhinteen 15 askari halka dhaawac gaaryo 20 Askari.

Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa sheegey in weerarkaan ahaa mid kooxaha nabad diidka ah rabaan iney ku carqaladeyaan hanaanka dib-u-dhisida qaranka Somalia

Ra’iisul Wasaare Cumar oo weerarka ka hadlaya ayaa yiri: 

“Maanta waxay kooxaha argagaxisadu weerareen Jaamacadda Kismaayo oo saldhig u ah ciidamadda xoogga dalka Somalia, weerarkaasi lagama gaarin wax ujeeddo ah aan ka ahayn in meesha ay ku dhinteen askar geesiyaal ah oo Soomaaliyeed”.

“Weerarada kooxaha sharka iyo argagaxisadu Somalia kama weecinayaan tubta horumarka iyo dib-u-dhiska, waana laga guulaysan doonaa kooxahaasi xilliyada soo socda ee dhow”.

“Waxaan Tacsi u dirayaa ciidanka geesiyaasha ah ee ka tirsanaa xoogga dalka Somalia e weerarkaasi ku geeriyooday, waxaana sidoo kale tacsi u dirayaa cid walba oo falkaas argagixiso ay waxyeelo kasoo gaartay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirshiid Sharmarke.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM