Ra'isal Wasaare Sharmaarke oo maanta hortegaya barlamaanka

Image

May 9 , 2015 (GO)- Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka ayaa maanta hortegi doona golaha barlamaanka oo iyagu maanta oo Sabti ah isugu imaanaya fadhiga labaad ee kalfdhigood lixaad.

Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa xildhibaannada warbixin dhameystiran kasiin doona qorshaha xukuumaddiisa.

Xildhibaannada ayaa su'aalo ka weydiin doona Ra'isal Wasaaraha waxyaabaha u qabsoomey xukuumaddiisa muddada kooban ee ay jirtey.

Waxay sidoo kale su'aalo ka weydiin doonaan qorshaha Golaha Wasiirrada ee ku wajahan dhameystirka Higsiga 2016, amniga iyo dhismaha maamullada federaalka.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan kulanka maanta barlamaanka federaalku kula xisaabtamayo Ra'isal Wasaaraha dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM