Ra'isal Wasaare Sharmaarke oo maanta hortegaya barlamaanka

Image

May 9 , 2015 (GO)- Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka ayaa maanta hortegi doona golaha barlamaanka oo iyagu maanta oo Sabti ah isugu imaanaya fadhiga labaad ee kalfdhigood lixaad.

Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa xildhibaannada warbixin dhameystiran kasiin doona qorshaha xukuumaddiisa.

Xildhibaannada ayaa su'aalo ka weydiin doona Ra'isal Wasaaraha waxyaabaha u qabsoomey xukuumaddiisa muddada kooban ee ay jirtey.

Waxay sidoo kale su'aalo ka weydiin doonaan qorshaha Golaha Wasiirrada ee ku wajahan dhameystirka Higsiga 2016, amniga iyo dhismaha maamullada federaalka.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan kulanka maanta barlamaanka federaalku kula xisaabtamayo Ra'isal Wasaaraha dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM