​Rabshado dhimasho sababay oo ka dhacay Laascaano

Image
Image

LAASCAANO, Somalia- Rabashado xooggan ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaano xarunta gobolka Sool Kadib markii dad careysan dilal magaalada la dhacey maalmihii ugu dambeeyey isu soo bax sameeyeen.

Banaanbax ayaa keeney inay isku dhacaan Booliiska iyo dadka dibad baxa sameynayey waxaana ku dhintay nin shacab ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cawad.

Wararka ayaa sheegaya in rabshaddaasi ku dhintay hal askari islamarkaana ku dhawacmeen saddex kale.

Shacab caraysan ayaa gudaha u galay saldhiga Booliiska kuwaasoo gubay gaari ciidamadu lahaayeen, halka warar kale sheegayaan inay qaateen wixii agab saldhigga yallay islamarkaana oodda laga qaaday maxaabiistii ku jirtay xabsiga.

Xiisadda ayaa keentay in magaalada lasoo dhoobo ciidamo Milleteri ah kuwaasoo xaaladda kusoo celiyay sidii hore inkastoo markii hore taayarro lagubay islamarkaana la xiray waddooyinka magaalada.

Rabashadahaan ayaa yimid iyadoo maalmihii lasoo dhaafey magalaada Laascaano lagu diley sarkaal ka shaqeeya shirkada Dahabshiil xarunteeda ku taal magalaada Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Booqasho dhowaan ku yimid Laascaano isagoo halkaas kula kulmay qaar kamid ah shacabka magalada.

Wasiirka madaxtooyada Somaliland oo kamid ahaa waftiga Madaxweyne Siilaanyo bogiisa Facebook booqashadaan kadib ku qorey in magaalada Laascaano xaaldeeda amni fiican tahay isaga oo Puntland ku eedeyey ineysan waxba ka qaban markii ay maamulkeeda hayeen. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM