Rag katirsan Al Shabaab oo dil lagu xakumay [COD + SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ee Dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta xukun dil ah ku riday labo eedaysane, oo Oday kamid ahaa Ergadii Doorashad ku dilay Muqdishu.

Xasan Cabdiraxmaan (Wabiyow) oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqey xukun dil ah oo lagu riday Xasan Cali Xasan Keerow 23 jir ah iyo Cabdiraxmaan Ciise Cali Fiidow 20 jir.

Labada qof ayaa lagu helay inay ku dileen Muqdishu 02/11/2016, Marxuum Hilowle Xeefow Xuseen, oo kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada kasoo doortey magaalada Baydhabo, ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada Amaanka Wadajir ayaa raggan ka qabtey goobtii ay Nabadoonka ku dileen, iyagoo ku hubaysan labo bastoolad oo dilka ku geysteen iyo hal Bamka gacanta laga tuuro, sida ay Saraakiisha Maxkamadda sheegeen.

Hoos ka akhriso Qoraalka Maxkamadda ee lagu shaaciyay Xukunka Dilka ah:

Ujeedo:- Xukun Maxkamadeed.

Taariikhdu markay Ahayd 21/08/2017, Maxkamadda Darajada 1’aad Ciidamada Qalabka Sida waxay u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaasha kala ah :-

1) Xasan Cali Xasan Keeroow 23 jir ah ina edebo xasan ibraahin ku dhashay Bakool.

2) C/raxmaan Ciise cali fiidoow 20 jir ah ina Shukri sheekh siyaad ku dhashay Xamar degan Dayniile , Kuwaas oo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey dambiyada kala ah in ay ka tirsan yihiin ururk Al-shabaab gaar ahaan qaybta fulisa dilalka gaadmada ah, Sidoo kale eedaysanayaasha waxaa lagu soo eedeeyay in ay dileen 02/11/2016 Marxuum Nabadoon Hilowle Xeefoow Xuseen islagoobta ay dilka ku gaysteena ay ciidanka amniga degmada wadajir ku qabteen iyadoo lagu soo qabtay hubkii ay dilka ku gaysteen oo ah labo bastoolad makaarof ah iyo hal bambo.

DOOD DHEER KADDIB.

Maxkamaddu

Markay Aragtay:- qiraalka eedaysanayaasha kala ah Xasan Cali Xasan Keeroow iyo C/raxmaan Ciise cali fiidoow ay ka hor qirteen garsoorka ciidanka hortiisa kuna cadeeyeen in ay ka tirsan yahiin ururka Al-Shabab qaybta fulisa dilalka gaadmada ah isla markaana ay iska soo raaceen labadooda degmada dayniile iyagoo imaaday banaanka masaajid ku yaalo degmada wadajir oo uu nabadoonka ku dukan jiray si ay ugu dilaan halkaas marka la gaaro xiliga salaada, markii uu dilku dhacayna ay kusoo baxeen ciidanka amniga sidaasna lagu qabtay labadoodaba, iyagoo ku hubaysan hubkii ay dilka ku gaysteen oo ah 2 bastoolad iyo hal bambo.

Markay Dhagaysatay:-Markhaatiyaashii la hor keenay Maxkamadda mid midna ay u waydiisay marag furkooda, waxay ka hor cadeeyeen garsoorka hortiisa in ay la kulmeen labada edaysane oo dilaya nin oday ah meel masaajidka u dhaw kadibna ay isku dayeen in ay ka baxsadaan goobta iyagoo xabada kusoo riday markii xabada lays waydaartayna ay iyagu dhaawacmeen sidaasna looga qaaday hubkii ay wateen laguna xiray.

Markay Aragtay:- Dambi muujinta la horkeenay maxkamada horteeda ay ka mid tahay Cadaymaha laga qoray markhaatiyaasha,qiraalada laga qoray eedaysanayaasha,warqada cadaynta dhimashada marxuumka,sawirka marxuumka iyo hubkii loo isticmaalay falka dilka ah oo ah labo bastoolad oo makaaroof ah iyo hal bambo.

Markay Dhagaysatay: – Doodii u dhaxaysay dhinacyada xeer-ilaalinta CQS iyo qareenada difaacayay eedaysanayaasha.

Sidaas darteed, Maxkamadda waxaa u caddaatay in:-

1- Cabdiraxmaan Ciise cali fiidoow.

2-. Xasan Cali Xasan Keeroow, ay wada yihiin bambiilayaal galay dembiyada lagu soo oogay waxayna ku wada xukuntay Dil Toogasho ah oo ah qisaasta marxuum Hilowle Xeefoow Xuseen.

Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda waxaa u furan Racfaan.

Wabillaahi Towfiiq.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Siilaanyo: Madaxwaynihii hore ee Somaliland oo geeriyooday

Madax kala duwan ayaa ka tacsiyeysay geerida oo illaa haatan aanan fahfaahin laga bixin sababta keentay.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 08:23PM

Soomaaliya: Wasiir hore oo loo xukumay afduub iyo burcad-badeednimo

Wariye Michael Scott Moore ayaa wuxuu haystaa dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 07:56AM