Rag loo haysto dilka 72 qof iyo qaraxyo oo toogasho lagu xukumay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda milatariga Soomaaliya ayaa toogasho ku xukuntay labo eedaysane oo lagu oogay dilka 72 ruux oo shacab ah iyo qaraxyo galaaftay nolasha dad badan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Barrow ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan in ay lahaayeen isku daba ridka weeraro lagu beegsaday hoteelka Saxafi, Tiyaarta Qaranka, Daljirka Daahsoon iyo xarunta degmada Howlwadaag.

Eedaysanaha koowaad Canshuur ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu qayb ka ahaa dilal qorsheysan oo ka dhacay caasimada, oo lagu khaarijiyay mas'uuliyiin iyo dad shacab, kuwaasi wadar ahaan lagu sheegay tiradooda Todobaatan iyo Laba qof.

Sidda laga soo xigtay maxkamada, Canshuur ayaa sidoo kale Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca sahminta goobaha ay beegsanayaan. [Halkaan ka akhriso eedaha oo fahfaahsan]

Dacwad oogayaasha oo hor keenay fadhiyada maxkamada caddeymo ku saabsan kiiskaan ayaa dalbatay in dil toogasho oo ah qisaasta marxuumiinta lagu rido Canshuur iyo Maxamed.

Qareenada difaacayay oo xaqiijiyay in eedaysanayaasha ay qireen dambiga ayaa xeer-beegtada ka codsaday in xukunka loo qafiifiyo, loona eego sifaalaha dambiga fududeeya.

Ugu dambeyntii, gudoomiyaha maxkamada ciidamada Soomaaliya, Xasan Calinuur Shuute oo ku dhawaaqay go'aanka maxkamada ayaa shaaciyay in lagu xukumay labada eedaysane dil toogasho ah.

"Cidii aan ku qanac-saneen xukunka waxaa ufuran Racfaan," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Gaashaanle Sare Xasan Calinuur Shuute, gudoomiyaha maxkamada milatariga Soomaaliya.

Xukunka lagu ridday ragaan ayaa kusoo aadaya iyada oo xabsiyada ay ku jiraan xubno toogasho lagu xukumay isla markaana aanan wali lagu qaaday go’aanka maxkamadda.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM