Rag loo haysto weeraro ka dhacay Muqdisho oo maxkamad lasoo taagey
MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah dhageysatay dacwad ka dhan ah labo wiil oo dhalinyaro ah.
Eedaysanayaasha oo lagu kala magacaabo Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Barrow Aadan ayaa wajahaya gal-dambiyeedo culus oo kala duwan.
Ugu horeyn, sida laga soo xigtay dacwad oogayaasha, waxaa si wadajir ah loogu soo oogay Canshuur iyo Maxamed in ay kawada tirsan yihiin Al-Shabaab.
Si lamid ah, waxaa loosoo dacweeyay in ay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida u qaabilsan yihiin dilalka qorsheysan ee gawaarida loo adeegsado iyo sahminta goobaha ay beegsaneyso kooxda.
Si gaar ah, Canshuur ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta weerar 15-ka bishii Agoosto 2017-kii ka dhacay nawaaxiga isgoyska Difgeer ee degmada Hodan.
Weerarkaasi oo loo adeegsaday gaari lagu horgeeyay mid kale isla markaana rasaas la hubiyay ayaa lagu dilay hal ruux, xili 5 kale ay ku dhaawacmeen.
Gaariga la rasaaseeyay ayaa waxaa milkiyadiisa lahaa Xasan Cabdi Cawad oo kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed si gaar ah maamulka shirkada Dahabshiil.
Wiil uu dhalay Cawad oo lagu magacaabo Maxamed ayuu ahaa shaqsiga kaliya ee geeriyooday, iyada oo xubnaha kale ay qaarkood ay isku qoys ahaayeen marxuumka.
Sidoo kale, eedaysanaha ayaa loo haystaan fal dil ah oo 27-ka bishii October 2017-kii isgoyska Viya Rooma ee degmada Xamarwayne loogu geystay labo ruux.
Toogashadaasi ayaa lagu dilay Axmed Jaamac Xirsi oo ah wiil ay dhashay gudoomiyaha ururka haweenka qaranka iyo Canab Cabdullaahi Xaashi oo ahayd xoghayihii ururkaasi.
Canshuur iyo labo kale oo lagu raad-joogo ayaa falkaasi geystay, sida lagu ogaaday baaritaan.
Sida ku cad dukmiintiyadda dacwada ee la horgeeyay maxkamada, eedaha kale ee lagu tuhmayo Canshuur waxaa kamid ah qaraxii cuslaa ee 22-ka bishii November 2018-kii ka dhacay kontarool ku dhow Tiyaatarka qaranka.
Qaraxaasi oo dad badan ay naf-waayeen oo uu ku jiro wariya Cawil Daahir Saalaad ayaa waxaa xigay mid kale oo ka dhacay meel ku dhow Taalada Daljirka Daahsoon, oo aan halkaasi ka fogeen.
Ciidamada amaanka ee Soomaaliya ayaa waqtigaas uu weerarku dhacay qabtay Canshuur iyo saaxiibkiisa Maxamed Cali Barrow Aadan. Canshuur waxa uu daqiiqado kahor ka degay gaariga qarxay, sidda ay tilmaameen dacwad oogayaasha.
Weerar kale oo loo adeegsaday gaari walxo qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qaaday Hotel Saxafi ee Muqdisho ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyay Canshuur in uu wax ka ogaa.
Maxamed ayaa dacwadaha uu wajahayo waxaa qayb ka ah in uu ahaa maskaxdii isku daba riday weerarka 2-dii bishii October 2018-kii lagu beegsaday xarunta degmada Howlwadaag.
Inta la xaqiijiyay 8 ruux ayaa ku dhimatay dhacdadaasi, halka 27 kale oo gebi gooda ahaan dad shacab ah ayaa dhaawacantay.
Cabdullaahi Buulle Kamey, xeer-ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sidda ayaa shaaciyay in dhamaan eedaymahaasi ay u hayaan caddeymo.
"Ninka la yiraahdo Canshuur, da’da uu jiro iyo dambiyada uu geystay waa wax muujinaysaa in uu ku bahaloobay dhiiga dadka shacabka ah," ayuu Cabdullaahi ka sheegay fadhiga maxkamadda.
Xasan Cali Nuur [Shuute], gudoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sidda ayaa ka codsaday xeer-ilaalinta in ay soo dhameystirto caddeymaha u hayso kiisaskaan.
Ugu dambeyntii, fadhigii maanta oo ahaa midkii labaad ee looga hadlay kiisaska loo haysto ragaan ayaa loo balamay fadhi kale, kaasi oo Gudoomiye Shuute uu shaaciyay in ay dib kasoo sheegi doonan.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
GAROWE ONLINE