Raggii fuliyey duulaankii Naasa Hablood 2 ee Muqdisho oo la toogtey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay dil toogasho ku fulisay saddex rag oo lagu eedeeyay weerar ka dhacay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Shaqsiyaadkan ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen duulaankii lagu beegsaday Huteel Naasa Hablood 2 ee ku yaala degmada Xamar-weyne, ayna mas'uuliyiin iyo siyaasiyiin degan yihiin.

Weerarkaasi oo loo adeegsaday qarax gaari oo xoogan iyo mid toos ah isla markaana dhacay 28-ka bishii October ee sanadkii 2017-kii ayaa yimid maalmo kadib dhacdadii Soobe.

Xubnaha saaka la toogtey ayaa waxaa lagu kala magacabaaa; Farxaan Maxamed Samatar, oo 21-jir ah, Cabdinaasir Dhaqane Xasan, oo 19-jir ah iyo Abshir Maxamed Xaaji oo 21-jir ah.

Weerarkii Naasa Hablood 2 oo ay dusha saaratay mas'uuliyadiisa kooxda Al-Shabaab ee gacan-saarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhimatay 17 ruux, xili ay ku dhaawacmeen 47 kale.

Ciidamadda Ammaanka ayaa xiligaasi shaaca ka qaadey in saddex rag ay gacanka ku dhigeen iyaga oo isku dayaya in ay ka baxsadan huteelka oo ay saacado haysteen.

Xukunka dilka toogashadda ah ee lagu fuliyey ayaa waxaa garka loo geliyey 30-ka bishii May ee sanadkii hore 2018-kii, iyaga oo tan iyo xilligaasi ku jira xabsiga.

Mas'uuliyiinta lagu naf-gooyey dhacdadaasi waxaa kamid ah; Wasiirkii Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Madoobe Nuunow, kaasi oo ka tirsanaa xukuumadii madaxweyne Shariif Xasan Aadan iyo Xildhibaan Cabdinaasir Garane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM