Ra’iisal Wasaaraha oo ka qeyb galay Janaasada Wasiirkii Cayaaraha Jubbaland

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeyb galay salaadda Janaasada ee lagu dukaday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Yuusuf Awlibax oo ahaa Wasiirkii Dhalinyarada iyo Cayaaraha Jubbaland.

Wasiirka ayaa kamid ahaa dadkii shalay lagu dilay Qaraxii ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Salaada Janaasaada ayaa ka dhacday Masjid Shuhaddaa ee Madaxtooyada, waxaana ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda yo Xildhibaanada labada aqal.

Ma’suuliyiintii kaso qayb galay Salaaddaas ayaa u duceeyeen marxuumka, waxanay Alle ugu baryeen inuu jannadii fardowso ka waraabiyo, eheladii uu ka tegey iyo ummada Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo Iimaan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa la kulmay qaar kamid ah ehelka marxuumka iyo Wasiiro ka tirsan Jubbaland, isagoo tilmaamay in Awlibaax uu ahaa shaqsi ka baxay qaranka Soomaaliyeed. isla markaana tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed. wuxuna xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C,laahi Farmaajo uu tacsi taa lamid ah u dirayo ehelka marxuumka.

Marxuum Awlibaax oo ku geeriyooday weerarkii argagixisada Al-shabaab ay ka geysteen shalay saldhigga degmada Waaberi ayaa lagu aasay Isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM