​Ra'iisul Wasaare Kheyre oo helay Kalsnoonida Barlamanka Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra'iisul wasaare cusub ee dhawaan la magacaabay Xasan Cali Kheyre.

23-kii February ayaa Madaxweyne Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo u xushay wasiirka Koowaad ee Xukuumadda lasoo dhisi doono.

Xildhibaano gaaraya 231 mudane, oo maanta soo xaadiray Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka oo uu furay Madaxweyne Farmaajo ayaa siiyay codka kalsoonida. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka jeediyay Golaha shacabka Khudbad xasaasi ah oo uu uga warbiyay xaaladda dalka, isagoo ka codsaday Xildhibaanada inay la shaqeeyaan xukuumadda lasoo dhisayo. 

Xasan Cali Kheyre, oo ah Mas'uul haysta dhalashada dalka Norway, kana soo shaqeeyay NRC iyo Soma Oil and Gas ayaa ah shaqsi ku cusub saaxadda siyaasada, waxaana laga sugayaa inuu soo magacaabo xukuumad cusub. 

Ninkan ayaa Madaxweynuhu sheegay inuu yahay shakhsi kasoo bixi kara xilka loo dhiibay islamarkaana Ku sifeeyay ruux la jaanqaadi kara ajandayaasha Madaxweynuhu wato.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM