Ra’iisul Wasaare Kheyre oo u safray dalka Ethiopia

Image

MUQDISHU, Somalia – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa, ee Caasumadda dalka Ethiopia.

Wafdig Ra’iisul Wasaaare Kheyre oo ay ku jiraan dhowr Wasiir, Xildhibaano iyo madax kale oo katirsan dowladda ayaa la filayaa inay ka qeyb-galaan Shirka 29-aad ee Ururka Midowga African.

“Waxaan maanta u safrayaa magaalada Addis Ababa, si aan uga qeybgalo Shirk 29-aad ee Midowga Africa,’ ayuu ku yiri Mudane Kheyre Bogga Twitter-ka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia.

Shirka Midowga Africa oo furmaya 4ta bishan ayaa la filayaa in looga hadlo arrimo ay kamid yihiin dhobaatooyinka ka taagan dalalka Geeska African, oo Xaalada amni ee Somalia ugu horeyso.

Waa markii labaad oo Ra’iisul Wasaraha Somalia safar uu ku tago dalka Ethiopia tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo xilka u magacaabay dhamaadkii bishii February, ee sanadkan 2017-ka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM