​Ra'isal Wasaaraha Somalia oo la dar-daarmay Ardayda Jaamacadaha Dalka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa boqolaal ardey oo isaga kala yimid Jaamacadaha dalka, kula hadlay Jaamacadda Ummadda ee magaalada Muqdishu, wuxuna kula dar-daarmay in wadajir loogu istaago sidii looga shaqeyn lahaa waddanka oo  mar kale cagahiisa isku taaga.

Ra’iisul Wasaaraha sheegay in dib-u-howlgelinta Jaamacadda Umaddu ay tahay astaan qaran, isla markaana ay Xukuumaddu xooga saari doonto sidii loo dhisi lahaa guud ahaan xarumaha ay leedahay Jaamacaddu, gaar ahaan xarunta weyn ee Gaheyr.

“Dalkaan waxaa horumarin kara dadkiisa, dadkeenuna waxaa horumari kara tacliinta, sidaa darteed muhiimadeenu waa inaan sare marinaa tacliinta, waana mid ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee horumarinta dalka,” Ayuu yiri R.Wasaare Xasan Cali Kheyre oo intaas raaciyey .

” Ma jirto maanta maalin aan uga baahi badanahay kobcinta iyo tayeynta nidaamkeena waxbarasho. Taacliinta sare kaalin weyn ayey kaga jirtaa horumarka iyo xasilinta dalka, dhalinyarada maanta hortayda fadhida waa mustaqbalkii bari iyo hoggaamiyeyaashii ina badeli lahaa,” ayuu hadalkiisa kusii daray Khayre.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku dheeraaday halgankii gobonimo doonka iyo doorkii shariifka ahaa ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka qaateen, gaar ahaan SYL iyo sidii uu ku yimid bilowgii feker-kaasi . Wuxuna hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in jiilka cusub laga helo dhalinyaro leh feker lamid ah kii 13-kii SYL.

Jaamacadda Ummadda ayaa kaalin sare kaga jirtay soo saaridda aqoonyahano iyo xirfadlayaal ka hor inta aanay burburin dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare, Guddoomiyaha Gobolka Benadir iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummada oo dhamaantood tilmaamay ahmiyada kulankani u leeyahay dhalinyarada waxbaratay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM