Ra’isal wasaaraha UK oo ololihii ay ku jirtay uga fariisatey shirka London

Image

Waxaa magaalada London maanta oo Khamiis ah isugu imaan doona madax fara badan kuwaasi oo isla soo qaadi doona xaaladda Soomaaliya oo ah waddan siddedii sano ee la soo dhaafay safka hore ka galay liiska waddamada fashilmay.

Kullanka London waxa uu ka dhici doonaa Lancaster House. Waxa si wada jir u shir guddoomin doona Britain, Soomaliya iyo Qaramada Midoobay. Waa arin naadir ah in Ra'isal Wasaaraha UK ay hakad geliso ololaha doorashada oo ay diirada saarto arrimo la xiriira caalamka.

Balse maanta Theresa May waxay marti gelinaysaa shirka caalamiga ah ee Soomaaliya kaas oo ay ku rajo weyntahay in Britain ay hormuud ka noqon doonto arimaha dunida ka bixidii Ingiriiska ee Midowga Yurub ka dib. 

Dowladda UK ayaa waxay durbadiiba balanqaaday in 70 ka mid ah cidamadeeda u diri doonto Soomaalia iyo 21 Milyan oo Gini oo deeq ah si sare loogu qaado ammniga Soomaaliya. 

Hase ahaate Mrs May iyo hogaamiyeyaasha kale ee caalamka ayaa aamminsan in dadaal dheraad ah loo baahanyahay si taageerada dowladda Soomaaliya loo dardar geliyo.

Waxaa la filaya inay ku heshiiyaan qorshe lagu tabobari doono ciidamo dheraad oo Soomaali ah oo bedeli doona ciidamada Midowga Afrika ee hadda la dagaalamaya kooxda Al-Shabaab. 

Shirkan caalamiga ee Soomaliya ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in lagu heshiiyo in gargaar caalaami ah oo dheraad ah lagu siiyo Soomaaliya si wax looga qabto abaarta daba dheeraatay. 

Waxaase haata laga cabsi qabaa hadii deg deg wax looga qaban waayo in Soomaaliya ay dib ugu noqon karto colaadihi harereeyay dalkaa sanadihi lasoo dhafay.

BBC

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM