Ra’isal wasaare Khayre oo safarkii ugu horeeyay Muqdishu uga dhoofay

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’isal wasaaraha dowladda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdishu caasumadda dalka isagoo kusii jeeda waddanka Qadar.

Wararka ku saabsan socdaalka Khayre ayaa sheegaya in Ra’isal wasaaruhu ka qayb galayo shir caalami ah oo looga hadli waxyaabo kala duwan oo ay jirto xaaladda Somalia.

Kulanka ayaa ka dhici doona magaalada Dooxa, waxaana loogu magax daray shirkaas “Dooxa Forum”.

Safarka Khayre waxaa ku weheliya xubno katirsan xukuumadda, sida ay sheegayaan wararka uu helayo Warsidaha GO.

Ilo ku dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa GO u sheegay inuu mas’uulkan kulamo kala duwan la qaadan doono Madaxda  dalkaasi.

Dowladda Qadar ayaa ka mid ah waddamada taageera Somalia islamarkaana qayb ka qaata mashaariicda hormarineed ee dalka kasocda.

 Waa safarkii ugu horeeyay ee uu dalka kaga baxo Ra’iisul Wasaare Kheyre tan iyo markii la magacaabay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM