Ra'isal wasare Khayre oo ka hadlay maxaabiis ku xiran dalka Ethiopia

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia-

 Dowladda Ethoipia aya aqbashay in 120 maxbuus Somaali ah oo ku xiran xabsiyo ku yaala dalka Ethoipia inay ku wareejiso DF ee Soomaaliya ka dib markay hishiis arrintan ku saabsan ay wada gaareen labada Dowladood.

Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo waraysi siiyey Laanta Af-Somaliga ee Voa ayaa warkan xaqiijiyey wuxuuna xusay in dhawaan maxabiistan oo intooda badan ku xiran magaalada Jigjiga ay xorriyadooda heli doonaan.

Khayre ayaa waxaa kele oo uu sheegay inay baaritaan ay ku samayn doonaan maxaabiistan la sii deyn doona si loo ogaado waxyaabaha ay qaban jireen iyo sababaha loo soo xiray isagoo intaas ku daray in Somalida ku xiran Ethoipia ay intaas ka badan yihiin balse wajiga kowaad uu kani noqonayo.

Dhan kele Raysalwasaaraha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in lagu soo wareejiyo maxaabiis kele oo ku xiran dalal gobolka ka mid ah ayna intuu socday shirkii Madaxda Afrikaanka ay isla qaateen in loo soo gacan gelyo .

Xasan Cali Khayre ayaa muujiyey yiddidiilo ku aadan in dawr muuqda ay Soomaaliya ay ka qaadatay kulanka Midawga Africa isla markaana madaxda uu la kulmay ay niyad wanaagsan ka qabaan horumar iyo bisayl siyaasadeed oo xiiligan ka muuqda Dowladda iyo shacabka Soomaaliyaba.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM