Ra'isal wasare Khayre oo ka hadlay maxaabiis ku xiran dalka Ethiopia

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia-

 Dowladda Ethoipia aya aqbashay in 120 maxbuus Somaali ah oo ku xiran xabsiyo ku yaala dalka Ethoipia inay ku wareejiso DF ee Soomaaliya ka dib markay hishiis arrintan ku saabsan ay wada gaareen labada Dowladood.

Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo waraysi siiyey Laanta Af-Somaliga ee Voa ayaa warkan xaqiijiyey wuxuuna xusay in dhawaan maxabiistan oo intooda badan ku xiran magaalada Jigjiga ay xorriyadooda heli doonaan.

Khayre ayaa waxaa kele oo uu sheegay inay baaritaan ay ku samayn doonaan maxaabiistan la sii deyn doona si loo ogaado waxyaabaha ay qaban jireen iyo sababaha loo soo xiray isagoo intaas ku daray in Somalida ku xiran Ethoipia ay intaas ka badan yihiin balse wajiga kowaad uu kani noqonayo.

Dhan kele Raysalwasaaraha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in lagu soo wareejiyo maxaabiis kele oo ku xiran dalal gobolka ka mid ah ayna intuu socday shirkii Madaxda Afrikaanka ay isla qaateen in loo soo gacan gelyo .

Xasan Cali Khayre ayaa muujiyey yiddidiilo ku aadan in dawr muuqda ay Soomaaliya ay ka qaadatay kulanka Midawga Africa isla markaana madaxda uu la kulmay ay niyad wanaagsan ka qabaan horumar iyo bisayl siyaasadeed oo xiiligan ka muuqda Dowladda iyo shacabka Soomaaliyaba.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM