Raisedon Zenenga oo loo bedelay waddanka Libya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa Arbacadii shalay ahayd wuxuu Raisedon Zenenga oo u dhashay Zimbabwe u magacaabay isu-duwaha howlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Libya.

Jagadan ayaa waxaa lagu aas-aasay qaraar uu Golaha Ammaanka soo saarey sanadkan 2020 isla markaana tirsigiisu yahay 2542.

Mr. Zenenga ayaa in ka badan 30-sano wuxuu la shaqeynayaa Jamciyad Qurumaha Ka Dhaxeysa si gaar ah wuxuu maareeyay waajibaadyo culus oo ay kamid tahay nabadeyn, dhexdhexaadin iyo geedi-u-socod siyaasadeed.

Waaya-aragnimadaas wuxuu kasoo dhexlay wadamadda kala ah; Liberia, Iraq-Kuwait, Sierra Leone, Somalia iyo Suudaanta Koonfureed.

Xilkii ugu dambeeyay ee UN-ka uu ka hayey waxay ahayd in uu ahaa ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Jagadan wuxuu hayey tan iyo 2014 waqtigaas oo laga soo bedelay South Sudan.

Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka waxaa loogu hambalyeeyay Raisedon Zenenga.

"Magacaabidan waxay aqoonsi u tahay waaya-aragnimadiisa iyo ku dhex-jirkiisa qotodheer ee siyaasadda. UNSOM waxay uga mahacelineysaa dedaalkiisa iyo taageerada Soomaaliya shantii sano ee u dambeysay," ayay xuseen.

Jaamacadda Zimbabwe ayuu ka qalinjabiyey halkaasoo uu ka bartay Maareynta iyo Culuumka Siyaasadda. Tababar la xiriira diblumaasiyadda ayuu si lamid ah ka bartay Australian Development Assistance Bureau. Waana aabaha saddex caruur ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM