Rayid ku nafwaayey qarax ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Image

JOWHAR, HirShabelle – Ugu yaraan 15 rayid ah ayaa lagu waramay in ay ku nafwaayeen qarax miino oo Arbacada maanta ah, 14-ka April, 2021 ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe ee koonfurta Soomaaliya.

Sida ay muujinayaan warbixinada, qaraxa ayaa ka dhacay tuuladda Gololey oo 50 KM dhanka waqooyi ka xigta caasimadda Muqdisho.

Gaariga qaraxa dul-maray ayaa ka yimid magaala madaxda Soomaaliya, waxaana uu kusii jeeday xarunta HirShabelle ee Jowhar.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay Garowe Online in tirro kale oo kamid ahaa rakaabka gaariga loola cararay goobaha caafimaadka ka gedaal markii dhaawacyo ay kasoo gaareen qaraxan khasaaraha badan geystay.

"Ilaahey u naxariistee, dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ahba waxay isugu jiraan rag iyo dumar qaarkood reer lahaa," ayuu ku daray.

Mas'uuliyiinta maamulka HirShabelle oo si adag u cambaareeyay weerarkaas ayaa ku eedeeyay maleyshiyadda Al-Shabaab oo ay tibaaxeen in ay miinada ku aastey wadada isku xirtay wadada mashquulka badan.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkaan oo illaa haatan kasoo baxay dagaalameyaasha gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

Wadada isku xirta Muqdiso iyo Jowhar oo dib-u-dayactir lagu bilaabay ayaa kamid ah jidadka sanadihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen qaraxyada ugu badan isla markaana waxyeelo daran ay kasoo gaartay rayid iyo askar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM